Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo oo Lagu Wareejiyey Mishiinka Casriga ah ee CT-Scan-ka
Ceerigaabo – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo mishiin casri ah oo ah CT-Scan, kaas oo kor u qaadaya tayada adeegyada caafimaad ee laga helo gobolka Sanaag.
Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, maamulka Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo iyo marti-sharaf kale.
Agaasimaha Guud ayaa sheegay in keenista mishiinkan casriga ahi ay qayb ka tahay dadaallada ay xukuumaddu ku horumarinayso adeegyada caafimaadka iyo gaadhsiinta qalab casri ah cisbitaallada gobollada dalka.
Mishiinka CT-Scan-ka ayaa la filayaa inuu fududeeyo baaritaannada caafimaad ee casriga ah, yareeyo baahida bukaanadu ugu safri jireen magaalooyin kale, isla markaana sare u qaado tayada adeegyada caafimaad ee Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo.


0 





