Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo Ka Digay Faafinta Waxyaabaha Lidka Ku Ah Heshiiskii Nabadda Geerisa
Boorama – Guddoomiyaha gobolka Awdal, Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo baraha bulshada ku baahisa hadallo ama qoraallo ka hor imanaya go’aamadii ka soo baxay gogoshii nabadeed ee dhowaan lagu soo gabagabeeyey magaalada Geerisa ee gobolka Awdal.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xukuumaddu si degdeg ah u bilaabeyso hirgelinta go’aamadii lagu heshiisiiyey labada beelood ee ood-wadaagga ku ah gobollada Awdal iyo Selel.
"Cidda kalmad qaldan oo amniga wax u dhimaysa ama waxbaa la gubay ku qorta baraha bulshada tallaabo ayaa laga qaadayaa. Hadda wixii ka dambeeya fulin ayaa la gelayaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Awdal.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in ilaalinta nabadda iyo xasilloonidu ay tahay masuuliyad ay wadaagaan bulshada iyo hay’adaha dowladda, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan faafinta warar ama qoraallo hurin kara xiisado cusub.
Gogosha nabadeed ee magaalada Geerisa ayaa dhowaan lagu soo gabagabeeyey dadaal ay iska kaashadeen Xukuumadda Somaliland, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobollada Awdal iyo Selel, kaas oo lagu soo afjaray colaad muddo ka dhex taagnayd laba beelood oo walaalo ah.


0 





