Puntland oo Digniin Adag u Dirtay Ciddii Gabaad Siisa Ciidamada Ka Baxay Deegaannadeeda

0
Thursday August 06, 2026 - 09:49:17 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Digniin Adag u Dirtay Ciddii Gabaad Siisa Ciidamada Ka Baxay Deegaannadeeda

    Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli qaar ka mid ah ciidamada Dowladda....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli qaar ka mid ah ciidamada Dowladda....



Gaalkacyo – Xukuumadda Puntland ayaa digniin culus u dirtay cid kasta oo gabaad ama taageero siisa ciidamada ka baxay deegaannadeeda, iyadoo sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono askartaas iyo cid kasta oo gacan siisa.


 

Laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in lala xisaabtami doono ciidamada ka baxay deegaannada Puntland iyo shaqsi kasta ama maamul kasta oo hoy ama taageero siiya.



 

Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka baxay deegaannada Puntland ay galeen maamullo deris ah, iyadoo xaaladda amni iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ay weli yihiin kuwo isha lagu hayo.


 

Puntland ayaa hore u shaacisay inay ka go'an tahay sugidda amniga iyo hirgelinta go'aannadii ay dhawaan soo saartay ee la xiriiray hubka iyo ciidamada ka howlgala deegaannadeeda.

Loading...
Loading...