Xoghaya Xisbiga Wadani 'Xoghayn Ilaa Afhayeen Goormuu Noqday?

0
Thursday August 08, 2019 - 21:29:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghaya Xisbiga Wadani 'Xoghayn Ilaa Afhayeen Goormuu Noqday?

    Ugu horey waxaan salaamayaa bahda saxaafada guud ahaan gaar ahaan ''ascw''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horey waxaan salaamayaa bahda saxaafada guud ahaan gaar ahaan ''ascw''


Kadib beryahan danbe dadkii waxaa ku soo badanaya dad   meel ay ka yimaadeen iyo taariikh ay leeyahiin aan cidba garaneyn oo Idaacadaha la iska arko ama Tv yada loo yaqaano ka qayliya. Somalidii hore ama Awooyaasheen horey u maahmaaheen oo ay u yidhaahdeen  ninka goormaa la gartaa aqligiisa iyo aqoontiisa,dadnimadiisaba? Waaney ka jawaabeen oo waxa ay yidhaahdeen marka uu hadlo.


Hadaba somaliland xisbiyadeedu ma waayaan kolba mid  ka soo dhexmuuqda oo inta badana ku soo gala ama xilka ku hela Eex iyo hab is xigsiinimo.

Aan ku soo noqdo qofka aan ka hadalayaa waa xogheyaha xisbiga wadani 'xogheyn xisbi ilaa afhayeen xisbi'

Dhibaatada jirta waxa weeye masuul qoslaaya marka uu ka hadalaayo arin ah siyaasad ama hogaamine bulsho marka aad caalamka iyo madaxda aduun ka eegto marka ay shacabka la hadlayaanba  inta badan marka laga reebo , wakhtiyada olalaha ay ku jiraan ma kaftmaan inta badan hadey kaftamaana qosal kuma daraan.

Ninka hogaamiyaha ah waxaa looga baahanyahey in uu fahmo waxa uu ka hadlaayo balse maahan in sida uu xaflad aroosa joogo uu sida gabdha yaryar qosol isla soo taago waayo qosol iyo siyaasadu waa kala duwanyahiin  marka aad wadato magac hogaamineed ama aad mataleyso xisbi in aad iska qosoltaa waxay cadeynaysaa heerka aad qof ahaan ka joogto in aad fahansantahey wakhtiga markaasi ay bulshada aad la hadleysaa ku suganyahiin.
Qosalka badanaa madaxdu waxa uu sawir ka bixiyaa kalsoonida  qofkaasi in ay hoosayso waa ceebaha ugu waaweyn ee qofkaasi yeesho.

Hadaba yarkan xogheyaha ah horta anigu aqoon uma lahi waligeyna maan maqal maanta ka hor balse waxa iiga muuqda marka uu xogahye yahey in shaqadan afhayeenka aaney shaqdiisii aheyn ee uu u daayo ninkii lahaa.

Ta kale ninkan waxa uu ceeb ku yahey in uu somaliland siyaasadeeda ka hadlo waayo maahan qof leh heerkeeda  iyo aqoonteeda waxana inta badan ku maadsada qolooyinka somaliland neceb oo u arka qof waalan oo siraha dadka iyo dalkaba ka sheekeynaya si public ah ee uu warbaahinta la imanaaya hadalo catow ah iyo calaacal u badan.

Waxaan ku soo xidhayaa dalkan iyo dadkani reer somaliland dadka noocan ah ee magaca somaliland dilaya in loo fiirsado oo ummadu ay iska  qabtaan maahan in aynu aqligeena iyo umad ahaanteen dhageysano  nooc wax ma garto ah oo sidii  caruurta u sheekaynaaya.

Waad mahadsantahiin.

Qore:Tahir hussein
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...