Guddoomiyaha Hay'adda Caymiska Qaranka oo Shaaciyey Qabsoomidda Shir-weynaha Caymiska Somaliland
Hargeysa – Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa si rasmi ah u shaaciyey qabsoomidda Shir-weynaha Caymiska Qaranka Somaliland, kaas oo lagu qaban doono magaalada Hargeysa 12-ka illaa 13-ka bisha October.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in shirkan uu noqon doono madal lagu soo bandhigayo muhiimadda nidaamka caymiska qaranka iyo kaalinta uu ka qaadan karo koboca dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo yareynta culaysyada maaliyadeed ee saaran bulshada.
Waxa uu sidoo kale xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu si rasmi ah u furi doono shirka, isla markaana ay ka soo qayb geli doonaan wufuud ka socota todoba dal oo ka mid ah kuwa hormuudka ka ah adeegsiga iyo horumarinta nidaamka caymiska.
Guddoomiye Axmed Xirsi Ducaale ayaa sheegay in shir-weynaha lagu soo bandhigi doono faa’iidooyinka caymiska qaranka iyo doorka uu ku leeyahay ilaalinta hantida, taageeridda ganacsiga iyo fududeynta culaysyada dhaqaale ee bulshada.
Waxaanu yidhi: "Waxaan shaacinayaa in aanu qaban doono Shir-weynaha Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland 12-ka ilaa 13-ka bisha October. Shirka waxa si rasmi ah u daah-furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ka soo qayb geli doona toddoba dal oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dhinaca adeegsiga caymiska. Waxaanu bulshada u soo bandhigi doonnaa muhiimadda iyo faa’iidada uu leeyahay Caymiska Qaranku iyo sida uu uga qayb qaato yareynta culaysyada maaliyadeed ee bulshada.”


0 





