Wasiirka Gaadiidka oo Kulan la Qaatay Ganacsatada iyo Iskaashatada Gaadiidka Xamuulka ee Lawyo-cad iyo Saylac

0
Wednesday August 05, 2026 - 14:23:15 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 12
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaadiidka oo Kulan la Qaatay Ganacsatada iyo Iskaashatada Gaadiidka Xamuulka ee Lawyo-cad iyo Saylac

    Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta wada-shaqaynta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta wada-shaqaynta

May be an image of text



Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab), oo uu wehelinayay Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Farsamadda, ayaa kulan shaqo la yeeshay ganacsatada Badmaal iyo Iskaashatada Gaadiidka Xamuulka ee ka hawlgasha jidka Lawyo-cad, Saylac iyo gobollada kale ee dalka.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada gaadiidka xamuulka, loo dardargelin lahaa hawlaha Iskaashatada Tawakal, isla markaana loo fududayn lahaa isu-socodka badeecadaha iyo saadka gudaha dalka.


 

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta wada-shaqaynta u dhexeysa Wasaaradda Gaadiidka iyo iskaashatada gaadiidka xamuulka, si loo horumariyo adeegyada gaadiidka loona taageero koboca ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha.


 

Gabagabadii kulanka, Wasiirka iyo wakiillada ganacsatada ayaa ku heshiiyey in la sii wado kulamada wada-tashiga iyo iskaashiga joogtada ah, si loo horumariyo adeegyada gaadiidka xamuulka loona xoojiyo xiriirka shaqo ee u dhexeeya wasaaradda iyo iskaashatada.

May be an image of one or more people, dais and text
May be an image of one or more people, wrist watch, eyeglasses and newsroom
May be an image of dais and newsroom



Loading...
Loading...