Ilayn Ibtiladu Ilays Ma Leh ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday August 08, 2019 - 21:27:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilayn Ibtiladu Ilays Ma Leh ( Abdi-Shotaly).

    Ilaah raali ha ka ahaadee, Abwaan Cabdi Qays, baa markuu ka yaabay xaaraanta ay maamuladdii Somalia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaah raali ha ka ahaadee, Abwaan Cabdi Qays, baa markuu ka yaabay xaaraanta ay maamuladdii Somalia

iyo in hadhaw la is waydiin doono, buu tiriyey hees uu ku sharaxaayo waxa inaga dambeeya ee aan aakhiro ugu tegi doono, waxad laba eefto-ba, hees-taas oo la yidhahao "Aakhirooy xagee baad naga xigtaa" Waxan uga socdaa, Hantidda Ummadda ee lagu tegay Xashka, ee aanay shaqaysan, boobeen, ee umaddii lahayd ay ka bakhti-yeyso, saw xaaraan maaha, ee weliba faan-faanka la isku moodaayo. Dadka illaahay ma simin ummadiisa dhan kaste oo ay tahay-ba, haddii ay tahay maskax, qurux, maksab, maal, ubad, caafimaad, aqoon, garasho, dul-qaad, af-tahamo iyo wax-yaabo kale oo fara badan, hadana muuqa waa ka wadda bani'aadam, oo waa qof si uun u jira iyo haduu yahay doqon, maskax laawe, bello doon, xume wade amaba ruux isu dheeli tirey illaahay.



Akhristaw hadaba waxan uga socdaa, anigoo ku siiyey tusaalooyin kala duwan oo uu leeyahay makh-luuqa aadamiga ahi, abuur-tooduna kala duwan tahay, oo aanu mid-na mid u eekayn, baa waxan u soo qaatay maanta arimahan kala gedisan ay tahay. Somaliland waxa ay hadeer gacanta ugu jirtaa qaar suuradda bani'aadamka leh, laakiin aan lahayn maskax-dooddii, ficil-kooddii iyo dareenkii ay wax ku garan lahaayeen, kuna kala sooci lahaayeen ama ku kala saari laaheen waxa wacan iyo waxa ay tahay in laga dambeeyo. horaase loo yidhi " Nin-ba habar baa habeen ducatoo, ilayn ma hubsane, intay la haf tidhi, waa halyey tidhi" waa sidaase, kuwan askarta ah ee lagu magacaabo " Raggii ma adiga ka hadhay iyo Geenyo shaaximane" marka la isku soo duubo maaha qaar leh arag-tiddii saxa ahayd, oo ah tii ay ummad ku maamuli lahaayeen, mana laha aqoontii ay xilkaas ku hanan lahaayeen, qarda-jeex ah iyo bal sidan ku day in ay kuu hir-gasho iyo in kale, waa duul cuqdadaysan, oo ay ka buuxdo xumaan, caqdi ahi, farsamo xumaan, oo aan haba-yaraatee maamul lagu aamini karin.


Muwaadin waxa u daliil ahtaas, marxaladda uu ku sugan yahay dalkii iyo dadkii, kaas oo dhan walba ama dhinac kaste-ba, siddii aad u eegtid iyo xagaad ka marta-ba afka dhulka loo daray, burbur, dagaal, maceeshaddii oo cirka isku shareertay, beel gaar ah oo awooddii ummadda loo adeeg-sanaayo iyo maamul ku sheega Hargaysa oo keliya ka dhisani, uu kala raacay beelihii colaadu dhex taalay, weliba uu isagu ka kaw yahay inta sii fidinaysa, ee dhiiga daada-naaya dabka ku sii shidaaya. sidaas oo ay tahay bay doonaysaa in ay maaweelo iyo wax la isla wadda garanaayo lagu dambabeso. Siddii ay dadka ka caqli badan yihiin, baa hadana ay bilaabeen, in ay u adeegsa-daan hantiddii ummadda, oo dar awr-kiraalayaal ah u dirayaan kuwii kun jeer gar-darradda iyo gaadmadda lagu sameeyey, oo ay leeyihiin soo qabta Caare, iyaka oo kuwii ibtiladda u aabo ahaa ay haystaan tikniko ay laf-toodu siiyeen, waxa intaas ka sii daran, bal in ay duni aakhira-samaan tahay Geenyo Shaaximan oo ka taaiyradda dagaalka socda u ah, baaba la leeyahay dabkii uu shiday soo bakhtii, taasi miyey tahay wax caqliga gala iyo arimo nabad doonimo lagu sheegi karo? saw isu hoos gelis iyo hoosaasin maha? horaa-se loo yidhi " Ilayn ibtiladu ilays ma leh, oo markay imanayso, lama oga".


Waxan ku soo xidhay maqaalkan Caare ninka soo qabanayaw marka hore kafantaadda soo qaado oo isi soo gunaanad. Hadaad Hungri dhaqmeed sheegato iyo haddii aad siyaasi isku magacaw-didba, ha sii qoteen xabaashoodda. murti baa ahayd " Hawo nimay fogay-saba dan baa hoos u soo celine" Waxa uu yidhi (Ihun) Axmed ismaaciil diiriye (Qaasim), oo ka mid ahaa murtiddii aan ka dhaxalay " Aduunyadu sidaa kuma gudhee saac kalaa bixiye, nin kastoo salaan dheer u baxay soo deg baa xigiye" waa run oo aduunku sidaas mid ku dhamaanaaya maaha, wakhti-guna wuu is bedbe-delaa, qadhaadh iyo macaanba wuu leeyahay, kibir-kuna ma sii daba dheeraado, ee wuxu socdaa mudo kooban, dulmiguna isaga baa isi soo dabra, ruux kaste oo wax ka weyn is bidda ama isu qaata wax aan la loodin karin ama ayamoo dhalan-teed cago-bidhyoodda siddii ilmo socod barad ah, marka ugu dambaysa ee laga fadhiyi waayo, buu isaga laf-tiisu qool is geliyaa, oo ay ciryaartii isi soo gabtaa, waa sidda uu yahay " Raggii ma adigaa ka hadhay" oo haduun uub dheer gunta u fadhiistay, dabkii uu oogay buu dhamac-diisii cagaha saaray, ee ha ka dabaasho, isku soo kartaye.

* N.B Nin-ba Habar Baa Habeen Ducatoo, Ilayn Ma hubsane, Waa Halyey Tidhi!

Qore :- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...