Guddoomiyaha Hay'adda Caymiska Qaranka oo Ganacsatada ugu Baaqay inay Ka Qayb Qaataan Horumarinta Caymiska Somaliland

0
Wednesday August 05, 2026 - 14:18:42 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Hay'adda Caymiska Qaranka oo Ganacsatada ugu Baaqay inay Ka Qayb Qaataan Horumarinta Caymiska Somaliland

    Guddoomiyuhu wuxuu xusay in hirgelinta nidaam caymis oo adag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in hirgelinta nidaam caymis oo adag



Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland, Axmed Xirsi Ducaale, ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo tijaarta Somaliland inay door muuqda ka qaataan dhismaha iyo horumarinta nidaamka Caymiska Qaranka, isaga oo sheegay in caymisku yahay tiirka koboca dhaqaalaha iyo horumarka ganacsiga dalka.

 

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in hirgelinta nidaam caymis oo adag oo la isku halayn karo ay muhiim u tahay horumarinta ganacsiga, kor u qaadista kalsoonida maalgashiga iyo fududeynta xiriirka ganacsatada Somaliland ay la leeyihiin suuqyada caalamiga ah.

 

Waxa uu tilmaamay in ganacsiga casriga ahi u baahan yahay nidaam caymis oo sugan si loo ilaaliyo hantida, loo yareeyo khataraha ganacsi, loona abuuro jawi dhiirrigeliya maalgashiga gudaha iyo dibadda.

 

"Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada Somaliland inay ka qayb qaataan dhismaha iyo horumarinta Caymiska Qaranka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland, Axmed Xirsi Ducaale.

 

Waxa uu intaa ku daray in waxyaabo badan oo ganacsiga Somaliland u baahan yahay si uu ula jaanqaado suuqyada caalamka ay si toos ah ugu xidhan yihiin jiritaanka nidaam caymis oo hufan, kaas oo sare u qaadaya kalsoonida ganacsiga isla markaana taageeraya koboca dhaqaalaha dalka.


Loading...
Loading...