"Caymisku Waa Laf-dhabarta Dhaqaalaha iyo Badbaadada Bulshada"
Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland, Axmed Xirsi Ducaale, ayaa sheegay in Caymiska Qaranku uu yahay tiirka koboca dhaqaalaha, xasilloonida ganacsiga iyo ilaalinta hantida bulshada, isagoo xusay in faa’iidadiisu aanay ku koobnayn bixinta magdhowga khasaaraha oo keliya, balse uu door muhiim ah ka qaato horumarinta dhaqaalaha dalka.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in nidaamka caymisku uu sare u qaado kalsoonida ganacsiga, fududeeyo maalgashiga, isla markaana dammaanad u noqdo isu-socodka badeecadaha iyo ganacsiga caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in bangiyada, maraakiibta, dhismayaasha waaweyn iyo mashaariicda horumarineed ee dunidu ay ku shaqeeyaan nidaam caymis oo sugan.
Waxa uu intaas ku daray in hirgelinta Caymiska Qaranka Somaliland ay ka caawin doonto shacabka iyo ganacsatada inay ka badbaadaan culayska dhaqaale ee ka dhasha khasaaraha lama filaanka ah, iyadoo sidoo kale kor u qaadaysa kalsoonida maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha.
Guddoomiyuhu wuxuu bulshada ugu baaqay inay fahmaan muhiimadda Caymiska Qaranka, isagoo sheegay in uu yahay nidaam caalami ah oo lagu xaqiijiyo badbaadada bulshada, horumarinta ganacsiga iyo xoojinta dhaqaalaha.
Waxaanu yidhi:
**"Caymiska Qaranku waa tiirka dhaqaalaha iyo xasilloonida ganacsiga ee bulshooyinka. Marka laga yimaaddo badbaadada naf iyo maal ee uu bulshada u leeyahay, waxa uu qayb weyn ka qaataa koboca dhaqaalaha dalka. Caymisku wuxuu laf-dhabar u yahay bangiyada, dhismayaasha waaweyn iyo mashaariicda horumarineed, isaga ayaana dammaanad ka noqda isu-socodka ganacsiga iyo badeecadaha caalamka. Waa nidaam dunida oo dhan ka hirgalay, faa’iidadiisuna waa mid la wada arkay, waxaanan doonaynaa in bulshada Somaliland ay ka faa’iidaysato.”


0 





