DEG-DEG: Puntland oo 48 Saacadood u Qabatay Ciidamada Federaalka ee Ku Sugan Deegaannadeeda

0
Wednesday August 05, 2026 - 14:01:02 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG-DEG: Puntland oo 48 Saacadood u Qabatay Ciidamada Federaalka ee Ku Sugan Deegaannadeeda

    Sida amarka lagu sheegay, dhammaan xubnahaasi waa inay hubkooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida amarka lagu sheegay, dhammaan xubnahaasi waa inay hubkooda



Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar cusub oo lagu farayo cid kasta oo ku sugan deegaannada Puntland, isla markaana sheegata inay ka tirsan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, inay 48 saacadood gudahood isku soo dhiibaan xarumaha ugu dhow ee ciidamada Puntland.


 

Sida amarka lagu sheegay, dhammaan xubnahaasi waa inay hubkooda ku wareejiyaan ciidamada Puntland muddada loo qabtay.



 

Sidoo kale, Puntland waxay si rasmi ah u mamnuucday hub kasta oo ka baxsan nidaamka dowladda Puntland, iyadoo sheegtay inaan la oggolaan doonin hub ku jira gacmo aan ka tirsanayn hay'adaha amniga ee maamulka.


 

Go'aankan ayaa imanaya xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhexeysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib dagaallo iyo howlgallo ka dhacay deegaanka Gaalkacyo. Waxaa la filayaa in tallaabadan ay saameyn ku yeelato xaaladda amni iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada ee gobolka.

Loading...
Loading...