Puntland oo Sheegtay inay Dagaalkii Saaka ee Gaalkacyo ku Qabatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka JET

Gaalkacyo – Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Gaarka ah ee Booliska Federaalka Soomaaliya (JET), Korneyl Cabdiqaadir Shiine, kadib dagaal saaka ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo.
Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Puntland, howlgalka ayaa lagu qabtay saraalkaasi iyo xubno kale oo ka tirsanaa ciidamada JET, kuwaas oo la sheegay inay yihiin ciidan gaar ah oo ay tababartay isla markaana qalabaysay dowladda Mareykanka.
Sawirro la baahiyey ayaa muujinaya maxaabiis la qabtay intii uu socday dagaalka, iyadoo mid ka mid ah sawirrada lagu calaamadeeyey qofka la sheegay inuu yahay Korneyl Cabdiqaadir Shiine.
Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska Ciidanka JET kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ay kaga hadlayaan sheegashada Puntland.
Dhacdadan ayaa imanaysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda amni iyo khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.


0 





