Guddida Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada oo Kormeer Shaqo ku Tagtay Taliska Ciidanka Qaranka

Hargeysa – Guddida Arrimaha Gudaha, Difaaca iyo Amniga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta booqasho shaqo ku tagtay Xarunta Miiska Saraakiisha Ciidanka Qaranka, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug.
Kulanka waxaa hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddida, Mudane Cabdikariim Meecaad Isaaq, waxaana ku weheliyey Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida, Mudane Guuleed Maxamed Warsame, xubnaha guddida iyo hawl-wadeennada xafiiska.
Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa guddida siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee ciidanka, waajibaadka ay qaranka u hayaan, heerka amniga dalka, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu horumarinayo, lagu tayeynayo laguna xoojinayo awoodda Ciidanka Qaranka.
Dhankooda, xubnaha Guddida Arrimaha Gudaha, Difaaca iyo Amniga ayaa Taliyaha weydiiyey su'aalo la xidhiidha hawlaha ciidanka, qorshayaasha horumarinta iyo arrimo kale oo khuseeya gudashada waajibaadkooda qaran, iyadoo Taliyuhu uu si waafi ah uga jawaabay dhammaan su'aalihii la weydiiyey.
Guddoomiyaha Guddida, Cabdikariim Meecaad Isaaq, ayaa uga mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo saraakiisha soo-dhoweynta iyo xogta ay la wadaageen guddida. Waxa uu xusay in kulamadani muhiim u yihiin gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha Wakiillada, gaar ahaan dhinaca kormeerka iyo korjoogtaynta hay'adaha qaranka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in booqashadani ay gacan ka geysanayso xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa Golaha Wakiillada iyo Ciidanka Qaranka, si loo sii adkeeyo waajibaadka amniga iyo difaaca dalka.













0 





