Saami-qeybsigu Waa Shaxda Guurtida Loo Xulo. Laakiin Wakiilda Tira-Koob Kaliya Ayaa Go`aan ka Gaadhi Kara. Qalinkii Maxamuud Biixi

0
Thursday August 08, 2019 - 21:10:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saami-qeybsigu Waa Shaxda Guurtida Loo Xulo. Laakiin Wakiilda Tira-Koob Kaliya Ayaa Go`aan ka Gaadhi Kara. Qalinkii Maxamuud Biixi

    Hordhac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac

…waxa isasotareysa legdan murangaliyey, sida loo waajahayo doorashooyinka golaha wakiilada ee somaliland ilaa iyo intiiloo gudbey nidaamka doorashooyinka, laga soo bilaabiyo xiligiiloo codeeyey distoorka Somaliland 2001.

Saami-qeybsiguwaxa uu ragaadinayaa geedi socodka Somaliland in ay noqotoqaran, hana-qaada oo degal ku yeesha shucuubta geeska Africa. Sababtaugu weyni ay tahay in saami-qeybsiga intabadan aad ugu mitidayaan; madax dhaqameedka iyo siyaasiyin kasoo jeeda gobolada darafyada oo ku saleysan in ay saami goan in ay ka helaaniyadoo lagu saleynokaliya tusmo reereed.

Hadaba, sidee ayeeyu macaamilaan dawladaha sida xorta ah wakiilada golayaasha sharic dajinta ee matalaya dadweynaha soo doortaa?. Waxaynu tusaale usoo qaadan doonaa sdia loo qeybsado golayaasha wakiilada(population representatives) dalakla horu marey, doorashooyinkuna biyo dhigeen.

Mid ka mid ahi waa ingiriiska (UK) oo afar quruumood oo kala duwani,degto. Iyo Mareykan (USA) oo dadku midabku kala duwanyiin. Waxa kaleoo aan soo qaadaneynaa, Iyanadalal Africa ah, sida Kenya. Waxaynu udub dhaxaad ka dhiganeynaa halbeegyada salka u ah doorashooyinka sida Tirakoob(national census)iyo Diiwaan galintaCod-Bixiyaasha(voter registaration)

Dalka UK

Waxa ku nool sida ku xusan tirakoobkii 2011 dad laguqiyaaso 63 malyuunoo u qeybsan sidan.

England waxa ku nool 55 malyuun iyo dheeraad, waxaaneygolaha parliament ka heshey 533 kursi. Taas oo ka dhigan qiyaastii, halkii kursi waxauu ku qiimeysan yahay 100kun wax yar ka badan.

Scotland waxa ku nool 5 malyuun iyo badh, waxaay heshay 59 kursi parliament oo midkiiba ku qiimeysanyey, ku dhawaad 92 kun.

Wales waxa ku nool 3 malyuun iyo lixdan kun,waxay heshay 40 kuris, oo midkiiba ku qiimeysanyey 77 kun.

North Ireland waxa ku nool1 malyuun iyo 8 boqoloo kun, waxayheshay 18 kursi,oo midkiiba ku qiimeysanyey, 100 kun oo cod.

Hadaba, qiimaha kursigawakiilka baarlamaanku (constituency) ee UK waxa lagu jaan-gooyey codka calaa kursi. 77-100kun oo qof meeshii ay ku noolyiin. Waxa inoo soo baxaya in UK ay tahey dal nidaamka doorasho oo ay leeyiin hoostalaga soo unko.Laguna saleeyo goobtiidadkeedu ka bataan 60 kun ilaa 100 kun in loo qoondeeyo hal kursi parliament. Taas oo ka turjumeysa in ay qaateen nidaam xisbigii ugu kuraasbataa talada qabtolehna Raiisal Wasaare.

Dalka Mareykanka

Mareykan dadka ku nooli, waxayu qeybsamaan dhankamidabka, sida cadaan,madow, latino oo kale. Guud ahaan Mareykanwaxa ku nool 325 malyuunoo qof. Kuraasta wakiiladuna waa 435 kursi congress. Midkiiba waxauu ku qiimeysanyey ilaa 650-900kun oo qof.

Waxa xusid mudanin gobolada 50 ka ah ee dalkuka koobanyey, kuraasta waxey u qeybsadaaan sida ay u kaladad badanyiin oo kaliya. Tusaaleahaan gobolka California waxa ku noolku dhawaan 40 malyuun waxaana kasoo baxa53 wakiil, halkaVermont oo ilaa625 kun noolyiin ay leeday 1 wakiil. Gobolka la yidhaa Idaho isnaay ku noolyiin 1,8 malyuunoo hadana uu leeyey 2 wakiil.

Dalka Mareykanku waxauu qaatey, nidaamguud, oo kor laga unkonidaamkiisa doorasho. Taasoo macneheedu yahay, gobolkasta waxa uu sar-goosanaya nisbada(qiyaasta) dadkiisu ka yihiin,tirada guud ee dalkuyahay. Marka dadkusii kordhaan wey kordhayaan, hadeeydhin-maana kuraastiisu wey yaraaneysaa.

Dalka Kenya

Kenya waxa la sheegaa in ay tahay, dalka ugu wacan dhanka xog ururinta, iyo warqaaha aqoonsiga(identification Cardsand Record Keeping) waxa ka dhaqangashey nidaam doorashooo labada nooc ee kala aha ka guud oo madaxtooyada lagu soo doortomadax ka kow, iyo midka hoosta laga unko ee kuraasta wakiilada loo asteeyo. Waa nidaam aad shabah uguleh kan ka shaqeeya Somaliland.

Sikastaba, ha ahaatee,dawlada kenya wey ku guul-dareysatey, in ay dib habeyn ku sameyso nidaamka loo doorto golaheeda wakiilada. Sababtoo ah waxau asteysan yahayqaabka kuraasta loo qeybso degmo-doorasho ee ah nidaamka hooska tirinta ee Ingiriisku adeegsado.

Arinkani waxay dhaxalsiisey in ay keentoduudsi in degmooyin badan oo dad badani ku noolyiin ay is kuraas leegaadaan, kuwa kale oo codkoodu yar yahay. Degmooyin isku cod ahinakala kuraas bataan. Sababtuna tahay, xiligii sidankuraasta loo qeybiyeyoo ku beegneyd 70 sanomudo ku siman,waxa dhacay in degmooyin aad u dad bataan, kuwa kalena ay yaraadaan.

Iyadoo distoorcusub oo laga hir galiyeydalka Kenya 2007kii dalkaasna loo qeybiyey 47 degmo(county), halka hore uga ahaa 12 gobol.

Tusaale ahaan degmadaMandera County waxaka diiwaan-gashan dad dhan 1,025,756(in ka badan Malyuun) waxay leeday6 kursi oo loo qeybiyeylix goob doorasho(Constituency).

Halka degmadaKisii County ay ku noolyiin dad dhan 1,152,282(dad labaatan kun kabadanMandera), waxa ay leeday9 Consituencies ama 9 kursi doorasho goobeed.

Halka degmadaGarissa County oo ay ku noolyiin 6,23,00(lix boqol oo kun)ay leeday 6 consituencies, lix kursi doorasho goobeed.

Xaalada Somaliland

Somaliland waxa dabayaaqadii 2002 golihii wakiilada ee markaas joogey,go´aamiyey, in sidiilixdankii 1960 kii lagugalay lagu sar-goosto, oo kuraastii degmo-doorsho(constituency).

Waxa laqaatey sidii1960 kii, wax lagu doortey. Oo lagu dhufteykorodhka qiyaasta dadka,oo ah 2,5% ( natural growthrate) kaas oo cilimiga Demography-gu, ka dhigto halbeeglagu eego kobaca umadaha, waxaanu laga xisaabshaa, tirade dhalata, oo laga jarointa dhimata iyo inta safarta, tahriibta ama dalka ka baxda(migration movement). Max-suulka kasoo hadhayaayaa la yidhaa, korodhka dadweynaha(growth rate).

Waxa xusid mudan, in Somaliland/Somalia hay`ada arimaha dadka ee qaramada midoobey UNFPA ay sameysay qiyaas tira-koob(snap-chat census)2014. Sida uu wasiirkii qorsheynta Somaliland ee xiligaasi Dr. SacadCali Shire, markiila daahfurey xogtaasuu boogaadiyey, macnaheeduna yahay in Somaliland ku kalsoontey.

Xogtaas waxayu dhigneyd iyadoolabada gobo ee Maroodi-jeex iyo Saaxil la isku darey(W.Galeed) iyadoo wadartaguud, ee kasoobaxdey dadka reerSomaliland ay aheydin ka badan sadex malyuun iyo badh (3,508,180). Markaaswaxeynu wadarta gobolkasta u qeybineynaa, ta guud ee Somaliland oo lagu dhuftey kuraasta wakiilada ee ah 82 kursi, waxakasoo baxaya, kuraasta uu ka helayogobol kasta, waa hadii tirakoobkan lagu dhaqan galo.

Awdal 673,263/3508180= 0,1919*82 = 16 kursi

W.Galbeed 1,242,003/3508180= 0,354*82 = 29 kursi

Togdheer 721,363/ 3508180 =0,2056*82 = 17 kusi

Sool 327,428/3508180 = 0,0933*82 = 7 kursi

Sanaag 544123/3508180/ =0,155*82 = 13 kursi

Sidoo, kaleWaxa iyana 2016 kii GudidaDiiwaagalinta ee Somaliland(somaliland voterregistration) ka hirgaliyeen dalkanidaam diiwaan galineed oo loo adeegsadey tiknolajiyad casri ah. Kaas oo ay ka soo ururtey xogtani: tirada gobolka/tirada guud(873,331) X 82(tirada wakiilada)

Awdal 147031/873,331 = 14 kursi Maroodijeex 312634/873,331= 29 kursi Saaxil 78842/873,331 = 7 kirsi Togdheer 178,506/873,331 = 17 kursi Sool 71096/873,331 = 7 kursi Sanaag 85222/873,331 = 8 kursi

Gorfeyn

Hadaba inagoo ku sar goosaneyna, xogahan cusub ee hay`ada UNFPAay qaadey iyo kan Gudida Doorashooyinka Qaranku, ee kor ku xusan. Intubawaxay bixinayaan qiyaasoaad iskugu dhawdhanka kuraasta gobolada Somalilanda ka koobantey. Taasoo ay muuqato in shaxdahada lagu dhaqmo,ee ku salaysan, shaxdii1960 kii ee laqaatey 2002kii markii degmooyinka loo asteeyey, darajooyinka A, B, C. oo aheyd 23 degmo oo ku jiraan,degmooyinka Bali-gubadle iyo Salaxley. In ay yihiinkuwa lagu sar-goosanayo, doorashooyinka lagu wadey in ay dalkaka qabsoomaan, ee ka hirgalaySomaliland.

Deegaanada saai-qeybsiga ku doodaya, gar-beyu leeyiin sidaydoonaanba ha u la muuqatee. Laakiin iyana waxa yaableleh sababta dadkadegan gobolada Maroodi-Jeex iyo Togdheer na ay u raadsan waayeen, xuquuqda kuraastakaga maqan, oo ay ugu biiri waayeen,dhawaaqyada dheer ee ay gobolada darafyadu gadhwadeynka ka yahay, iyagooraba waa Hargeysaiyo Burco in diiwaan galinla sameeyo laguna qeybsadokuraasta wakiilada.

Saami-qeybsi loo sameeyo golahaWakiiladu, waxa uu keenayaa ragaadinsharci, in qiimatirisa qiimaha cod-bixiyayaasha, kanadhigeysa doorashada raq ardaayo qabiilooyin ka kooban waax- yeeysteen. Taas oo aakhirkashaqadii wakiilada iyo siyaasadii xukumadaba gacanta ugalin karta, shaqsiyaad dhaqan, ama ganacsioo dhaxal tooyo gasha.

Tusaale ahaan, dalkaLubnaan, waxa uu leeyey goleBaarlamaan oo ka kooban 128xildhibaan waxa loo qeybiyeysi isleeg Musliniyo Masiixi. Hadanamidkastaaba waxa uu usii qaybsadey mad-hab mad- hab hoose,taas gacanta u galisey in xubnaha matalaya mad-hab hoosaad kastain qaataan odayaal dhaqan ama tijaar gancansi, lana baxay guryahasiyaasada.

Foolxumooyinka laga dhaxleyna noqotey in 27% shacabka dalkaasi heystaan 50% kuraasta wakiilada. Hal qof oo dalkaaska mid ahiwaxa gacanta ugu jirta xulida45 xildhibaan waankamadaxweynaha hada ka taliyaee la yidhaa Masheel Coon,isagoo ah qeybtauga balaadhan ee Masiixiga matalaee layidhaa Maarooniga.

Hadii dariiqaas aynu raacno, Somaliland waxay noqoneysaa mid dadka hada saami-qeybsiga raadineyaa, ay u horseeda xiisadaan damin gudahooda. Waayo? Jawaabtu waxaytahay; kuraastan waxa lagusoo xero galiyeymagac qabiil, markaasna aynu magac reerohoose ku qeybsano.

Halkaasna mid tirayayar oo ku mitida iyo mid istaawiyey farro, oo cod ku andacooda, oo horseeda isnac iyo iska horimaadlabadaba.

Aakhirkana kuraastaasi ay gali doonotgacmo dantooda uun ka fiiriyasiyaasada, xataa hadiiay noqoto mid qarankaku lid ah. Sida Lubnanoo kale oo badhna u raxeeyaan Sucuudiga sida Suniga badankiisa , badh kalena Iransida Shiicada, badhnaFrance sida MaroonkaMasiixiga.

Maxaa Xal Ah

(b) iyadoo duruufahaas la eegayo, waa in aan lagu riixinXukuumada wax ka baxsan awoodeeda, oo lakala doorto, in la gudoonsado tii aduunku ka maraga ahaayeen ee aheyd diiwaangalintii cod- bixiyayaasha ka hirgashay Somaliland 2016, dadkiiaan isdiiwaan galin-na, gaar ahaan gobolada Barriga loo furo in ay isdiiwaan galiyaan. Laguna asteeyokuraasta wakiilada.

© in aan la qabiileyn amuuraha, xuquuq siyaasaded, oo khuseysa dhamaan dadweynaha ku nool gudaha xuduuda Somaliland. Xuquuda guud ee muwaadin kasta, mana aha in xuquuqdaas guud qoondo lagu xidho, sida deegaan iyo Isir loona cuskado saami-qeybsi. Saami-qeybsiga loo isticmaalaa, meelaha uu ku haboon yahay: sida qeybsashada madaxda hey`adaha madax-baxnaan ee dawlada, saraakiisah ciidanka, gudoonka garsoorka iyo xubnaha Guurtida.

·Dooda ah in wakiilada laguqeybsado sida ay u sameysanyiin baarlamaanka yururb EU Parliament ama sida siman ee dawladuhu u qeybsadaan Qaramada Midoobey. Intaasuba waa dood-jaban oo ka fog, ta lagu dhiso dawladaha. Tusaale ahaan, Baarlamaanka Yururb saameyn kuma laha, siyaadaha hoose ee dhaqaalaha, doorashada ee dawladaha ka tirsan ururkareer Yurub. Laakiin,waxa uu ka garsooraa qardoofooyinka, iyo cabashooyinka ka soo yeedhagudaha dawladaha reer Yurub. Hadiiay noqoto mid xisbi,mid bulsho iyo mid shaqsiintaba.

·Si aaney hay`adaha qaran ee aynula rabno in tisqaadaan, oo aaney qabiiloinooga noqon, hadana dhugasho iyo xaq-dhawr looguyeesho cabashada darafyada ku cabanaya, xuquuqdoodana la sugo. Waxa hodantiah in nidaamka doorasho ee wakiilada lagadhigo sida ka madaxtooyada mid furan oo 82ka xildhibaan ee wakiilada matali-doona loo doorto oo murashax walibacod ka raadsadodalka oo dhan. Markaasn82 xildhibaan ee ugu codbataay noqdaan wakiilada la doortey. Iyadooindhaha laga qarsan qoondooyinka haweynka iyo bulshooyinka la heybsooco.

Maxamuud Biixi Axmed

[email protected]



Tix Raac


Tix Raac

 

https://somalia.unfpa.org/sites/default/files/pub-pdf/Population-Estimation-Survey-of-Somalia- PESS-2013-2014.pdf

 

 

https://www.reddit.com/r/Somalia/comments/61zpr1/somaliland_voter_registration_numbers_rele ased/

 

http://www.parliament.go.ke/the-national-assembly/mps

 

https://www.britannica.com/topic/United-States-House-of-Representatives-Seats-by-State-1787120

 

https://www.census.gov/quickfacts/fact/table/VT,US/PST045218

Loading...
Loading...