Nadaafaddu Waa Qayb Ka Mid Ah Iimaanka
Diinta Islaamku waxay nadaafadda ka dhigtay mid ka mid ah tiirarka akhlaaqda wanaagsan iyo astaamaha lagu garto qofka Muslimka ah. Nadaafaddu kuma koobna oo keliya maydhashada jidhka, balse waxay koobaysaa daahirnimada qalbiga, dharka, goobta lagu nool yahay iyo dhaqanka qofka. Islaamku wuxuu ku boorriyay qof kasta inuu noqdo mid nadiif ah, maadaama daahirnimadu tahay waddo lagu kasbado jacaylka Alle iyo ansaxnimada cibaadada.
Nabiga ﷺ wuxuu yidhi:
«الطُّهُورُ شَطْرُ الإِيمَانِ...»
"Daahirnimadu waa badh ka mid ah iimaanka..."
(Saxiix Muslim)
Xadiiskani wuxuu muujinayaa in nadaafaddu aanay ahayn arrin caadi ah oo keliya, balse ay qayb ka tahay iimaanka qofka Muslimka ah.
Qur'aanka iyo Muhiimadda Nadaafadda
Qur'aanka Kariimka ahi wuxuu si cad u adkeeyey muhiimadda daahirnimada, isagoo tilmaamay in Alle jecel yahay dadka is daahiriya.
Alle SWT wuxuu yidhi:
﴿إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ التَّوَّابِينَ وَيُحِبُّ الْمُتَطَهِّرِينَ﴾
"Alle wuxuu jecel yahay kuwa toobad keena, wuxuuna jecel yahay kuwa is daahiriya."
(Suuradda Al-Baqarah: 222)
Sidoo kale Alle wuxuu amray in la weyso marka la istaagayo salaadda:
﴿يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا قُمْتُمْ إِلَى الصَّلَاةِ فَاغْسِلُوا وُجُوهَكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ إِلَى الْمَرَافِقِ...﴾
"Kuwa rumeeyow! Marka aad u kacaysaan salaadda, dhaqa wejiyadiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada..."
(Suuradda Al-Maa'idah: 6)
Alle SWT wuxuu sidoo kale yidhi:
﴿رِجَالٌ يُحِبُّونَ أَنْ يَتَطَهَّرُوا ۚ وَاللَّهُ يُحِبُّ الْمُطَّهِّرِينَ﴾
"Waxaa halkaas jooga rag jecel inay is daahiriyaan, Alle-na wuxuu jecel yahay kuwa is daahiriya."
(Suuradda At-Towbah: 108)
Aayadahani waxay caddeynayaan in nadaafaddu tahay cibaado iyo astaan muujinaysa jacaylka Alle.
Nadaafaddu Waa Astaan Ilbaxnimo
Nadaafaddu waxay kor u qaaddaa caafimaadka qofka, quruxdiisa, kalsoonidiisa iyo sida bulshada u aragto. Qofka nadiifta ahi wuxuu bulshada dhexdeeda ku leeyahay karaamo iyo qadarin, halka nadaafad-darridu ay dhaawacdo muuqaalka iyo caafimaadka labadaba.
Sidoo kale, maalin kasta oo qofku noolyahay waa fursad uu ku hagaajin karo naftiisa iyo camalkiisa.
Nabiga ﷺ wuxuu yidhi:
«كُلُّ النَّاسِ يَغْدُو فَبَائِعٌ نَفْسَهُ فَمُعْتِقُهَا أَوْ مُوبِقُهَا»
"Dadku subax kasta way baxaan; mid baa naftiisa badbaadiya, midna wuu halaagaa."
(Saxiix Muslim)
Islaamku Wuxuu Dhiirrigeliyaa Nadaafadda Joogtada Ah
Diinta Islaamku waxay dejisay habab joogto ah oo lagu ilaaliyo nadaafadda qofka, kuwaas oo ka mid ah sunnooyinka dabiiciga ah (Fitrah).
Nabiga ﷺ wuxuu yidhi:
«عَشْرٌ مِنَ الْفِطْرَةِ...»
Waxaa ka mid ah:
Jarista shaaribka.
Daynta gadhka.
Isticmaalka cadayga (Siwaak).
Biyaha oo sanka lagu dhaqo.
Jarista cidiyaha.
Dhaqidda kala-goysyada faraha.
Rifidda timaha kilkilaha.
Xiiridda timaha cawrada.
Istinjaada iyo nadaafadda ka dib saxarada iyo kaadida.
Waxyaabahani waxay muujinayaan sida Islaamku u daryeelay nadaafadda qofka iyo caafimaadkiisa.
Nadaafaddu Waa Shardi Salaadda
Salaaddu waa tiirka labaad ee Islaamka, mana ansaxayso haddii aanu qofku daahir ahayn.
Nabiga ﷺ wuxuu yidhi:
«لاَ يَقْبَلُ اللَّهُ صَلاةَ أَحَدِكُمْ إِذَا أَحْدَثَ حَتَّى يَتَوَضَّأَ»
"Alle ma aqbalo salaadda qofkiinna haddii uu weysadii jebiyo ilaa uu mar kale weysaysto."
(Saxiix Al-Bukhaari)
Tani waxay muujinaysaa in daahirnimadu ay tahay furaha cibaadada iyo u dhowaanshaha Alle.
Gunaanad
Nadaafaddu waa nimco weyn oo Islaamku qiimeeyey. Waxay isku darsataa daahirnimada jidhka, qalbiga, dharka iyo deegaanka. Muslimka waxaa looga baahan yahay inuu had iyo jeer ilaaliyo nadaafaddiisa, maadaama ay tahay astaan iimaan, caafimaad iyo akhlaaq wanaagsan.
Qofka nadiifta ahi wuxuu ku daydaa sunnada Nabiga ﷺ, wuxuu kasbadaa jacaylka Alle, wuxuuna bulshada u noqdaa tusaale wanaagsan.
Waxaynu Alle SWT ka baryaynaa inuu innaga dhigo kuwa jecel daahirnimada, cibaadada iyo akhlaaqda wanaagsan, kana yeelo kuwa uu jecel yahay ee is daahiriya.
Aamiin.
✍️ Qore: Maxamed Kaafi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





