Jihaadka Nafta: Dagaalka Ugu Weyn Ee Qofka Muslimka Ah
Qof kasta oo bani’aadam ahi wuxuu noloshan adduunka ku jiraa halgan joogto ah. Waxaa jira cadaw muuqda iyo kuwo aan muuqan, balse cadawga ugu khatarta badan ma aha kan dibadda ka yimaadda, ee waa nafta qofka dhexdiisa ku jirta. Naftu waa mid had iyo jeer qofka ku riixda inuu raaco damaceeda iyo rabitaankeeda, xataa haddii ay ka hor imanayaan amarrada Alle iyo sunnada Rasuulka ﷺ.
Sidaa darteed, qofka Muslimka ahi waxaa laga doonayaa inuu galo jihaadka nafta, isagoo ku dadaalaya addeecidda Alle, ka fogaanshaha dembiyada, iyo hagaajinta akhlaaqdiisa. Jihaadkani waa halganka ugu muhiimsan ee qofka lagu waajibiyey inta uu nool yahay.
Alle SWT wuxuu Qur’aanka Kariimka ah ku yidhi:
﴿وَجَاهِدُوا فِي اللَّهِ حَقَّ جِهَادِهِ هُوَ اجْتَبَاكُمْ وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ﴾
"Ku dadaala jidka Alle dadaal dhab ah. Isagaa idin doortay, kamana dhigin diinta wax idinku adkaanaya."
(Suuradda Al-Xaj: 78)
Noloshu Waa Safar Aan Dhamaystirnayn
Nolosha aadamuhu mar walba waa mid aan dhamaystirnayn. Waxa uu maanta haysto waa qayb yar oo ka mid ah waxa uu rajaynayo. Sannadaha, bilaha, maalmaha iyo saacadaha uu sii noolaadaba wuxuu helayaa waayo-aragnimo cusub, aqoon dheeraad ah iyo faham ka ballaadhan kii uu hore u lahaa.
Qofku wuxuu ku farxaa marka maanta ay uga wanaagsan tahay shalay, laakiin haddana qalbigiisu wuxuu sii eegaa berri iyo waxa uu rajaynayo. Tani waa dabeecadda bani’aadamka.
Damaca Naftu Ma Dhammaado
Dabeecadda aadamuhu waa inuu jeclaado korodhsi iyo hanti badan. Nabigu ﷺ wuxuu tilmaamay xaqiiqadan isagoo yidhi:
«لَوْ كَانَ لاِبْنِ آدَمَ وَادِيَانِ مِنْ مَالٍ لاَبْتَغَى وَادِيًا ثَالِثًا، وَلاَ يَمْلأُ جَوْفَ ابْنِ آدَمَ إِلاَّ التُّرَابُ، وَيَتُوبُ اللَّهُ عَلَى مَنْ تَابَ»
"Haddii wiilka Aadam uu lahaan lahaa laba dooxo oo hanti ah, wuxuu raadin lahaa mid saddexaad. Caloosha wiilka Aadamna waxba ma buuxiyaan ilaa carradu, Alle-na wuu ka aqbalaa kii toobad keena."
(Saxiix Al-Bukhaari iyo Muslim)
Taasina waxay ina tusaysaa in qanacsanaantu tahay nimco weyn, halka damacu aanu lahayn dhammaad.
Rajada Adduunku Waa Mid Kooban
Qofku wuxuu ku mashquuli karaa hamigiisa iyo qorshayaashiisa adduun, laakiin xaqiiqadu waa in maalin kasta laga sii dhowaanayo geerida. Alle SWT wuxuu ka digay in rajada dheer ay qofka ka mashquuliso aakhiro.
﴿ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا وَيَتَمَتَّعُوا وَيُلْهِهِمُ الْأَمَلُ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ﴾
"U daa inay wax cunaan oo raaxaystaan, rajadooduna ha mashquuliso, wayse ogaan doonaan cawaaqibta."
(Suuradda Al-Xijr: 3)
Qofka Caqliga Badan
Nabigu ﷺ wuxuu sheegay:
«الكَيِّسُ مَنْ دَانَ نَفْسَهُ وَعَمِلَ لِمَا بَعْدَ الْمَوْتِ»
"Qofka caqliga badan waa kan naftiisa la xisaabtama, una shaqeeya waxa geerida ka dambeeya."
(Sunan At-Tirmidhi)
Mu'minku wuxuu maalin kasta isku xisaabiyaa camalkiisa, wuxuuna ka faa'iidaystaa fursadda uu maanta haysto, maadaama berri aan camal la samayn karin.
Nafta Waa In La Xakameeyaa
Naftu mar bay cibaado jeceshahay, marna way ka caajistaa. Mar bay faraxdaa, marna way murugootaa. Mar bay wanaag u janjeedhaa, marna waxay ku boorrisaa xumaan. Sidaa darteed, waxaa waajib ah in la tarbiyeeyo oo lagu hago cibaadada iyo xuska Alle.
Alle SWT wuxuu yidhi:
﴿إِنَّا نَحْنُ نُحْيِي الْمَوْتَى وَنَكْتُبُ مَا قَدَّمُوا وَآثَارَهُمْ﴾
"Annagaa noolaynayna kuwii dhintay, waxaanan qornaa wixii ay hor marsadeen iyo raadadkoodii."
(Suuradda Yaasiin: 12)
Camal kasta oo qofku sameeyo waa la diiwaangelinayaa, wanaag iyo xumaanba.
Raaxada Dhabta Ah
Raaxada adduunku waa ku meel gaadh, halka waxa Alle agtiisa yaal ay yihiin kuwo ka khayr badan oo sii waaraya.
﴿فَمَا أُوتِيتُم مِّن شَيْءٍ فَمَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَمَا عِندَ اللَّهِ خَيْرٌ وَأَبْقَى﴾
"Wax kasta oo la idin siiyey waa raaxada nolosha adduunka, waxa Alle agtiisa yaallana waa ka khayr badan yihiin kana waarayaan."
(Suuradda Al-Qasas: 60)
Afarta Marxaladood Ee Jihaadka Nafta
Caalimkii weynaa Ibnu Al-Qayyim (RC) wuxuu sheegay in jihaadka naftu leeyahay afar marxaladood:
In nafta lagu qasbo barashada cilmiga diinta.
In lagu qasbo ku dhaqanka cilmigaas.
In lagu qasbo baridda dadka aan aqoonta lahayn.
In lagu qasbo u samirka iyo ku baaqidda xaqa.
Qofka afartan heer mara wuxuu gaadhi karaa horumar diineed iyo mid akhlaaqeed.
Gunaanad
Safarka nolosha wuxuu u baahan yahay halgan joogto ah oo lagula jiro saddex cadaw oo waaweyn: nafta, shaydaanka iyo damacyada. Guusha dhabta ahi waxay ku jirtaa in qofku ku tiirsanaado Alle, badiyo cibaadada, xuskiisa iyo ducada.
Alle SWT wuxuu yidhi:
﴿الَّذِينَ آمَنُوا وَتَطْمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكْرِ اللَّهِ ۗ أَلَا بِذِكْرِ اللَّهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ﴾
"Kuwa rumeeyey ee qalbiyadoodu ku degaan xuska Alle. Ogaada, xuska Alle oo keliya ayay qalbiyadu ku xasillaan."
(Suuradda Ar-Racd: 28)
Sidoo kale Alle SWT wuxuu ka sheegay Qur'aanka afkii Nabi Yuusuf (CS):
﴿وَمَا أُبَرِّئُ نَفْسِي ۚ إِنَّ النَّفْسَ لَأَمَّارَةٌ بِالسُّوءِ إِلَّا مَا رَحِمَ رَبِّي ۚ إِنَّ رَبِّي غَفُورٌ رَّحِيمٌ﴾
"Naftayda ma bari yeelayo, waayo naftu waxay faraysaa xumaan, marka laga reebo qofkii Rabbigay u naxariisto. Rabbigay waa Dambi-dhaaf Badane, Naxariis Badan."
(Suuradda Yuusuf: 53)
Waxaynu Alle SWT ka baryaynaa inuu ina siiyo naf deggan oo addeecda amarkiisa, kana magan gelisa sharka nafteenna iyo shaydaanka.
Aamiin.
Qore: Maxamed Kaafi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





