Salaaddu Waa Tiirka Diinta iyo Furaha Guusha Addoonka
Shaki kuma jiro in qof kasta oo Muslim ahi uu jecel yahay inuu ka mid noqdo dadka ilaaliya salaadda, maadaama salaaddu tahay tiirka ugu weyn ee diinta Islaamka ka dambeeya labada shahaado. Waa cibaadada ugu dhow ee addoonku kula xidhiidho Rabbigiis, waana sababta lagu kasbado raalli ahaanshaha Alle, degganaanshaha qalbiga iyo barakada nolosha.
Waxaa nasiib darro ah in dad badan oo dayaca salaadda ay haddana og yihiin muhiimaddeeda iyo in nolosha qofka tukadaa ay tahay mid deggan oo barako leh. Haddaba su'aashu waxay tahay: maxaa inaga hor istaaga inaan qaadno jidkaas farxadda iyo badbaadada leh, iyadoo Alle inagu amrayo inaan isaga uun caabudno?
Alle SWT wuxuu Qur'aanka Kariimka ah ku yidhi:
﴿إِنَّنِي أَنَا اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاعْبُدْنِي وَأَقِمِ الصَّلَاةَ لِذِكْرِي﴾
"Anigu waxaan ahay Alle, ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan aniga ahayn. Ee i caabud, salaaddana u oog xuskayga."
(Suuradda Daaha: 14)
Qur'aanka Kariimka ahi wuxuu si joogto ah u ammaanayaa dadka ilaaliya salaadda, isagoo tilmaamaya inay yihiin kuwa guulaystay.
Alle SWT wuxuu yidhi:
﴿قَدْ أَفْلَحَ الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ هُمْ فِي صَلَاتِهِمْ خَاشِعُونَ﴾
"Waxaa hubaal ah inay guulaysteen mu’miniinta, kuwaas oo salaaddooda ku khushuuca."
(Suuradda Al-Mu’minuun: 1–2)
Sidoo kale, Alle wuxuu ka digay kuwa dayaca salaadda.
﴿فَوَيْلٌ لِّلْمُصَلِّينَ الَّذِينَ هُمْ عَن صَلَاتِهِمْ سَاهُونَ﴾
"Hoog waxaa leh kuwa tukada ee haddana ka gaabiya ama dayaca salaaddooda."
(Suuradda Al-Maa'uun: 4–5)
Axaadiista Nabiga ﷺ ayaa iyaguna si cad u muujinaya fadliga, muhiimadda iyo waajibnimada salaadda.
Nabigu ﷺ wuxuu yidhi:
«إن بين الرجل وبين الشرك والكفر ترك الصلاة»
"Waxa u dhexeeya qofka iyo shirkiga ama gaalnimada waa ka tagista salaadda."
(Saxiix Muslim)
Sidoo kale Nabigu ﷺ wuxuu sheegay in salaaddu tahay waxa ugu horreeya ee addoonka laga xisaabin doono maalinta Qiyaame.
«إن أول ما يحاسب به العبد يوم القيامة من عمله صلاته...»
"Waxa ugu horreeya ee addoonka laga xisaabin doono maalinta Qiyaame waa salaaddiisa."
Waxa kale oo Nabigu ﷺ yidhi:
«رأس الأمر الإسلام، وعموده الصلاة...»
"Asalka arrintu waa Islaamka, tiirkiisuna waa salaadda."
Salaaddu waa cibaadada ugu muhiimsan ee hagaajisa nolosha qofka. Waxay qalbiga ku abuurtaa degganaansho, waxay ka ilaalisaa xumaanta, waxayna qofka u noqotaa sabab uu ku kasbado naxariista Alle iyo badbaadada Aakhiro.
Sidaa darteed, waxaa habboon in qof kasta oo Muslim ahi ku dadaalo ilaalinta shanta salaadood, kuna tukado waqtigooda, isagoo khushuuc iyo qalbi Alle u jeeda leh. Nolosha adduunka waa gaaban tahay, laakiin ajarka iyo abaal-marinta salaaddu waa kuwo aan dhammaanayn.
Gunaanad
Qof walba waa uu gefaa, waayo bani'aadam ayaa la nahay. Laakiin waxa muhiimka ahi waa in aynu ka toobad keenno gefafkeenna, aynu u noqono Rabbigeenna, isla markaana aynu joogteyno salaadda oo ah tiirka diinteenna.
Waxaynu Alle SWT ka baryaynaa inuu inaga dhigo kuwa salaadda ilaaliya, ku tukada khushuuc iyo daacadnimo, dambigeennana dhaafa, qalbiyadeennana ku sugo hanuunka iyo cibaadadiisa.
Aamiin.
Qore: Maxamed Kaafi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





