Warbixin: International Crisis Group Oo Iftiimisay Doorka Istaraatiijiga Ah Ee Somaliland

0
Wednesday August 05, 2026 - 11:30:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: International Crisis Group Oo Iftiimisay Doorka Istaraatiijiga Ah Ee Somaliland

    Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay noqotay dhinac muhiim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay noqotay dhinac muhiim



Warbixin ay daabacday hay’adda caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa iftiimisay doorka sii kordhaya ee Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay amniga iyo istaraatiijiyadda Geeska Afrika, xilli maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu dib u eegayo siyaasadda Washington ee ku aaddan Soomaaliya.

 

Sida lagu sheegay warbixinta, oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, xasilloonida Somaliland, goobteeda istaraatiijiga ah iyo jiritaanka hay’ado dowladeed oo shaqaynaya ayaa sare u qaaday kaalinteeda siyaasadeed iyo tan amni ee gobolka.

 

Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay noqotay dhinac muhiim ah oo aan si fudud looga maarmi karin marka laga hadlayo amniga Geeska Afrika, iyadoo xustay in doodaha ku saabsan doorka iyo muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland ay sii xoogaysanayaan gudaha Maraykanka.

 

Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in dadaalladii Maraykanku ku taageerayey Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo ka badan labaatan sano aanay weli horseedin xasillooni waarta, iyadoo ururka Al-Shabaab lagu tilmaamay inuu weli yahay khatar amni oo weyn, halka khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo dowlad-goboleedyaduna ay caqabad ku yihiin dhismaha dowlad awood leh.

 

Dhanka kale, International Crisis Group waxay xustay in Somaliland ay ka duwan tahay xaaladda Soomaaliya, iyadoo tilmaantay in tan iyo sannadkii 1991 ay dhistay hay’ado dowladeed, ilaalisay amniga gudaha, isla markaana qabatay doorashooyin isdaba joog ah oo sare u qaaday doorkeeda gobolka.

 

Warbixinta ayaa lagu yidhi:

 

"Marka laga eego dhinaca Somaliland, xaaladdu way ka duwan tahay. Somaliland waxay tan iyo 1991 dhistay hay’ado dowladeed, waxay ilaalisay amniga gudaha, isla markaana waxay qabatay doorashooyin isdaba joog ah. Arrimahaas ayaa sare u qaaday doorkeeda istaraatiijiga ah, gaar ahaan iyadoo ay sii kordhayaan tartamada awoodaha waaweyn ee Geeska Afrika.”

 

Warbixintu waxay sidoo kale si gaar ah u tilmaantay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Dekedda Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha Berbera, iyadoo sheegtay inay yihiin kaabayaal muhiim ah oo Maraykanku u arki karo fursad uu ku ballaadhiyo joogitaankiisa gobolka, isla markaana ku yareeyo ku tiirsanaanta saldhiggiisa milatari ee Djibouti.

 

Intaa waxaa dheer, warbixintu waxay xustay in gudaha Washington ay sii kordhayaan doodaha iyo codadka diblumaasiyadeed ee taageeraya dib u eegista siyaasaddii muddada dheer lagu salayn jiray mabda’a "Hal Soomaaliya”, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaashu ay Somaliland u arkaan lammaane amni iyo istaraatiiji ah oo lagu kalsoonaan karo.




Loading...
Loading...