Wasiirka Dowladaha Hoose: "Isbeddelladii Burco Waxay Ahaayeen Kuwo Lagu Saxayay Khaladaadkii Jiray"
Wasiirka Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macalin), ayaa sheegay in isbeddelladii maamulka iyo doorashooyinkii ka dhacay magaalada Burco sannadkii u dambeeyey ay ujeeddadoodu ahayd in la saxo khaladaadkii jiray, isla markaana magaalada loo jiheeyo waddada horumarka.
Wasiirka ayaa xusay in Burco ay tahay magaalada labaad ee ugu weyn Somaliland, isla markaana horumarkeeda iyo shaqadeeda wanaagsan ay muhiim u yihiin horumarka guud ee dalka.
Waxa uu tilmaamay in xukuumaddu muddo dheer ku hawlanayd dib-u-habaynta maamulka Dowladda Hoose ee Burco, isaga oo sheegay in maanta ay magaalada ka socdaan isbeddello muuqda oo dhinaca adeegyada iyo maamulka ah.
Wasiir Xasan Macalin ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalaha Dowladda Hoose ee Burco ay hadda si joogto ah u helaan mushaharkooda, arrintaas oo uu ku tilmaamay guul muhiim ah oo ka dhalatay dib-u-habaynta maamulka.
Waxa uu yidhi:
"Muddo sannad iyo dheeraad ah waan sixi kari waynay Dowladda Hoose Burco, gees walba waan ku daynay. Reer Burcona way nala yaabanaayeen oo waxay lahaayeen: ‘Waxan oo isbeddel iyo doorashooyin ah ee ka socda maxay soo kordhinayaan?’ Burco waa magaalada labaad ee dalka, inay fashilantaana waxay la mid tahay dalka oo fashilmay.”
Wasiirku waxa uu sheegay in isbeddellada la sameeyey ay salka ku hayaan dhisidda maamul hufan, horumarinta adeegyada bulshada iyo xaqiijinta in Dowladda Hoose ee Burco ay si wax-ku-ool ah ugu adeegto shacabka.


0 





