Saacadda Geerida iyo Muhiimadda U Diyaargarowga Aakhiro

0
Wednesday August 05, 2026 - 11:26:02 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 35
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saacadda Geerida iyo Muhiimadda U Diyaargarowga Aakhiro

    Qofka toobad keenay wuxuu rajaynayaa naxariista Alle, wuxuuna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka toobad keenay wuxuu rajaynayaa naxariista Alle, wuxuuna



Shaki kuma jiro in saacadaha dhimashada iyo daqiiqadaha ay naftu ka baxayso ay ka mid yihiin wakhtiyada ugu khatarta badan nolosha aadamaha. Sababtu waxay tahay in wakhtigaasi uu yahay bilowga kala-guurka laga guurayo adduunyadan laguna tallaabayo aakhiro, oo gebi ahaanba ka duwan nolosha adduunka ee qofku ku soo noolaa.

 

Saacadda dhimashada, qofku wuxuu arkayaa malaa'igta Alle, wuxuuna maqlayaa go'aanka ka soo degaya Eebbe, kaas oo noqonaya mid u horseeda nicmo weligeed ah ama cadaab aan dhammaanayn. Xaqiiqadan ayuu qofku si dhab ah u fahmayaa marka uu ku jiro sakaraadka dhimashada.

 

Alle SWT wuxuu Qur'aankiisa ku yidhi:

 

﴿كَلَّا إِذَا بَلَغَتِ التَّرَاقِيَ ۝ وَقِيلَ مَنْ ۜ رَاقٍ ۝ وَظَنَّ أَنَّهُ الْفِرَاقُ ۝ وَالْتَفَّتِ السَّاقُ بِالسَّاقِ ۝ إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ الْمَسَاقُ﴾

 

(Suuradda Al-Qiyaamah: 26–30)

 

Saacadda dhimashadu waa xuduudda u dhexaysa nolol iyo geeri. Inkasta oo cimriga adduunku gaaban yahay marka loo eego muddada qabriga, maalinta qiyaamaha iyo nolosha aan dhammaadka lahayn ee Jannada ama Naarta, haddana noloshan gaaban ayaa lagu go'aamiyaa mustaqbalka weligiis jiri doona.

 

Waxaa dhici karta in qofku maalmo yar, saacado ama xataa daqiiqado ka hor dhimashadiisa uu si dhab ah u toobad keeno, dembiyadiisana uga noqdo Alle, taasina ay sabab u noqoto badbaadadiisa.

 

Qofka toobad keenay wuxuu rajaynayaa naxariista Alle, wuxuuna geerida kula kulmaa rajo iyo degganaansho ku saabsan mustaqbalkiisa. Waa farxad uu heli karo qof kasta oo si daacad ah ugu noqda Rabbigiis.

 

Alle SWT wuxuu Qur'aanka ku yidhi:

 

﴿سَيَذَّكَّرُ مَنْ يَخْشَى ۝ وَيَتَجَنَّبُهَا الْأَشْقَى ۝ الَّذِي يَصْلَى النَّارَ الْكُبْرَى ۝ ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَى﴾

 

(Suuradda Al-Aclaa: 10–13)

 

Geeridu waa xaq uu wada maro qof kasta; mu'min iyo gaal, taajir iyo faqiir, mid daacad ah iyo mid dambiileba. Waxa keliya ee lagu kala duwanaanayaa waa camalka iyo halka uu qofku ku dambayn doono. Qaar camalkoodu wuxuu u horseedaa Janno, qaar kalena wuxuu u horseedaa Naar.

 

Waxaynu Alle ka baryeynaa inuu naga dhigo kuwa lagu gallo Jannadiisa.

 

Qofna ma garanayo goorta uu dhiman doono iyo meesha uu ku geeriyoon doono. Sidaa darteed waxaa waajib ku ah qof kasta inuu mar walba u diyaar garoobo la kulanka Rabbigiis.

 

Alle SWT wuxuu Qur'aanka Kariimka ah ku yidhi:

 

﴿إِنَّ اللَّهَ عِنْدَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ الْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ مَاذَا تَكْسِبُ غَدًا ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ﴾

 

(Suuradda Luqmaan: 34)

 

Gebogebadii, hadafka ugu weyn ee nolosha waa cibaadada Alle iyo u diyaar-garowga maalinta aan hortagi doonno. Dunidu waa meel imtixaan ah, halka aakhiradu tahay hoyga joogtada ah. Sidaa darteed, aynu ku dadaalno camal wanaagsan, toobad joogto ah iyo Alle ka cabsi, si aynu u hananno raallinimadiisa iyo Jannadiisa.

 

Alle ha inoo fududeeyo xaqiijinta hadafka nolosheenna, hana ina waafajiyo jidka toosan. Aamiin.

 

✍Qore: Maxamed Kaafi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...