Warbixin: ActionAid UK Oo Ka Hadashay Taariikhda, Nidaamka Siyaasadeed iyo Xaaladda Bani'aadantinimo Ee Somaliland

0
Monday August 03, 2026 - 18:49:39 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: ActionAid UK Oo Ka Hadashay Taariikhda, Nidaamka Siyaasadeed iyo Xaaladda Bani'aadantinimo Ee Somaliland

    Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay ahayd maxmiyad Ingiriis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay ahayd maxmiyad Ingiriis



Warbixin ay diyaarisay hay’adda caalamiga ah ee ActionAid UK ayaa si gaar ah u falanqaysay taariikhda, xaaladda siyaasadeed iyo duruufaha bulsho ee Somaliland, iyadoo sidoo kale tilmaantay farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Sida lagu sheegay warbixinta, Somaliland waxaa lagu sifeeyey inay leedahay hay’ado dowladeed oo shaqaynaya, nidaam dimuqraadi ah, ciidamo amni, lacag u gaar ah, baasaboorro iyo hannaan doorasho oo furan, iyadoo la xusay inay leedahay taariikh iyo nidaam siyaasadeed oo u gaar ah.

 

Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay ahayd maxmiyad Ingiriis ah ilaa ay xornimadeeda qaadatay 26-kii Juun 1960, isla markaana ay shan maalmood kaddib la midowday Soomaaliya. Waxa kale oo lagu xusay in Somaliland ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991, kadibna ay dhistay hay’ado dowladeed iyo hannaan dastuuri ah, iyadoo Dastuurka Somaliland lagu ansixiyey afti dadweyne sannadkii 2001.

 

ActionAid UK waxay warbixinteeda ku sheegtay in Somaliland ay leedahay nidaam siyaasadeed oo xasilloon iyo doorashooyin si joogto ah loo qabto, iyadoo tilmaantay in muddo dheer ay ku naaloonaysay nabad iyo xasillooni marka loo eego xaaladaha ka jira meelo badan oo gobolka ah.

 

Dhanka kale, warbixintu waxay xoogga saartay caqabadaha bani’aadantinimo ee Somaliland, gaar ahaan saamaynta abaaraha soo noqnoqda, isbeddelka cimilada iyo biyo-yaraanta. Hay’addu waxay sheegtay in bulshada reer guuraaga ahi ay si gaar ah ugu nugul yihiin xaaladahan, maadaama nolol-maalmeedkoodu ku tiirsan yahay xoolaha iyo roobabka.

 

Sidoo kale, ActionAid UK waxay sheegtay inay Somaliland ka fuliso barnaamijyo lagu taageerayo haweenka, carruurta iyo dadka ku nool xeryaha barakacayaasha, iyadoo diiradda saaraysa horumarinta waxbarashada gabdhaha iyo abuurista fursado dhaqaale oo haweenka ka caawiya inay ka baxaan saboolnimada.

 

Warbixintu waxay ku soo gabagabaysay in Somaliland ay leedahay nidaam siyaasadeed iyo maamul u gaar ah oo leh hannaan doorasho oo xor ah, iyadoo sidoo kale si cad u kala saartay xaaladda maamulka iyo xaqiiqada ka jirta Somaliland iyo arrinta aqoonsiga caalamiga ah, iyadoo xustay in labadaas arrimood aanay isku macne ahayn.


Loading...
Loading...