Wasiirka Madaxtooyada: Madaxweyne Cirro Oo Ballaadhinaya Adeegyada Sifaynta Kelyaha Ee Dalka
Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu kordhiyey tirada mashiinnada sifaynta kelyaha ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, inkasta oo uu xusay in baahida jirta aan weli si buuxda loo daboolin.
Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumaddu qorshaynayso in la sii kordhiyo mashiinnada sifaynta kelyaha ee Cusbitaalka Hargeysa, isla markaana adeeggan lagu ballaadhiyo gobollada kale ee dalka.
Waxa uu xusay in qorshuhu yahay in adeegyada sifaynta kelyaha la xoojiyo Cusbitaallada Burco, Boorama iyo Ceerigaabo, iyadoo si degdeg ah loo hirgelinayo xarumo cusub oo adeeggan bixiya.
Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa yidhi:
"Madaxweynuhu intuu joogay mashiinnada dadka kelyaha loogu dhaqo ee Cusbitaalka Hargeysa wuu kordhiyey. Laakiin baahidii loo qabay may daboolin. Hadda wuxuu doonayaa in la kordhiyo kuwa Hargeysa, Burco, Boorama iyo Ceerigaabo, kuwaas oo aanu doonayno in si degdeg ah looga aasaaso.”
Wasiirku waxa uu sheegay in qorshahani qayb ka yahay dadaallada xukuumadda ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka, si bukaannada u baahan sifaynta kelyaha ay u helaan adeegyo caafimaad oo dhow, tayo leh, isla markaana laga yareeyo culayska safarrada ay u galaan daaweynta.


0 





