Hoosadaydan Weeyaan, Wuxuu Rag Isku Haystaa, Hoo Iyo Isii Laguma Helo, Hoodada Iyo Guusha.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim,
[Ascwrwb]Tu Khaas Ahna Bahda
H/W Iyo Akhristayaashooda.
1-Hoodo Iyo Nasiib Laguma Helo,
Hawlyaran Dhereg.
2-Halgan Iyo Dadaal Loo Galaad,
Horumar Gaadhaa.
3-Hor Ilaahay Kuma Darin Inuu,
Hidin Wuxu Doono.
4-Hayeeshe Hedeeniyo Wakhtina,
Waan La Hurahayn.
5-Hal Wuu Seegayaaba La Yidhih,
Hooyo Kay Dihatay.
6-Hadalkana Halmaan Wuu Gala,
Laabtu Kay Hibato.
7-Hal Geedo Xabuubun Ku Beer Ruux- Kastow Hooska Gurigaag.
8-Hal Malyuun Hargeso Qudha Heli Aroortaasba.
9-Hodan Weeye Ciideenaniye Waan
Hagranaynaa.
10-Hagar La"An Haddii Loo Kacoo Loo
Holado Yaanbo.
11-Hadhuudh Beeranaa Iyo Basbaas,
Holac Ah Keenaba.
12-Wuxunba La Heli Lahaa Kolan Caws La Soo Hoyano.
13-Hugaago Lagugu Haystayood,
Soo Gar Heliweyday.
14-Aduunyadan Hujuunka Iyo Difaac,
Heegankaw Noqotay.
15-Dhalinyarada Hawlgabay Iyagon,
Heerkii Weli Gaadhin.
16-U Habeeya Meel Lagu Hubsaday,
Bara Hubka Yaala.
17-Cidla Yaan Lagaa Helin Adigoo, Habacsanaan Jiifa.
18-Hubka Qaata Waa Lays Hayaaye,
Yuu Hortaa Ridina.
19-Hormood Baanu Nabada U Ahayne,
Waanu Heli Weynay.
20-Hanjabaad Huruuf Iyo Cabsiinaan,
Hadh Geliweynay.
21-Naga Hadha Hadday Diidanyiinoo,
Hadalna Soo Gaabtay,
22-Habariyo Habenkeed KeenaHadha
Geeskan Hagi Doona.
Handuleh Ismail.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





