Maayirrada Caynaba iyo War'idaad Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Xisbiga WADDANI

0
Saturday August 01, 2026 - 15:10:27 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirrada Caynaba iyo War'idaad Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Xisbiga WADDANI

    Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa masuuliyiinta cusub ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa masuuliyiinta cusub ...
May be an image of one or more people



Maayirka Degmada Caynaba, Mudane Maxamed Haybe Maxamed, iyo Guddoomiyaha Degmada War'idaad, Mudane Xasan Faarax Maxamed, ayaa si rasmi ah ugu biiray Xisbiga WADDANI.


 

Masuuliyiintan ayaa lagu soo dhaweeyey xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI, halkaas oo uu ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, isaga oo uu wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga ahna Wasiirka Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac.


 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa masuuliyiinta cusub ku soo dhaweeyey xisbiga, isaga oo sheegay inay soo kordhin doonaan khibrad iyo waayo-aragnimo door ka qaadata xoojinta hawlaha siyaasadeed iyo abaabulka xisbiga.


 

Dhankooda, Maayirka Caynaba iyo Guddoomiyaha Degmada War'idaad ayaa sheegay inay ku biireen Xisbiga WADDANI iyaga oo ka duulaya, sida ay sheegeen, aragtidooda siyaasadeed iyo rabitaankooda ah inay qayb ka noqdaan hawlaha iyo himilooyinka xisbiga.


 

Ku biirista labadan masuul ayaa ku soo beegmaysa xilli Xisbiga WADDANI uu sii wado ololihiisa ballaadhinta taageerada iyo soo dhoweynta masuuliyiin iyo xubno cusub oo ku biiraya safkiisa.

Loading...
Loading...