Maayirka Berbera Oo Shirkii Ugu Horreeyey La Qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Dawladda Hoose

0
Saturday August 01, 2026 - 14:54:22 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirka Berbera Oo Shirkii Ugu Horreeyey La Qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Dawladda Hoose

    Intii uu kulanku socday, Madaxa Xafiiska Warbaahinta Dawladda Hoose,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu kulanku socday, Madaxa Xafiiska Warbaahinta Dawladda Hoose,,,

May be an image of studying, table, newsroom and text that says 'DAWLADAHOO DAWLADA HOOSE DAWLADAHOOSEBERBERA OSE 砂在輕西輕香 BERBERA B.M.A 円 六0'


Maayirka Magaalada Berbera, Mudane Maxamed Ibraahim Ismaaciil, iyo Ku-xigeenka Degmada Berbera, Mudane Baashe Cabdillaahi Ibraahim, ayaa shirkii ugu horreeyey ee toddobaadlaha ahaa la yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha Dawladda Hoose ee Degmada Berbera, si ay uga waraystaan waxqabadka iyo qorshayaasha shaqo ee maamulka degmada.


 

Shirka, oo uu guddoominayey Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Berbera, Mudane Maxamed Saleebaan Muuse, ayaa lagu soo bandhigay warbixinnada waxqabadka waaxyaha ee toddobaadkii tegay, iyo sidoo kale qorshayaasha loo dejiyey toddobaadka soo socda.


 

Intii uu kulanku socday, Madaxa Xafiiska Warbaahinta Dawladda Hoose ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta u dhexaysa Xafiiska Warbaahinta iyo Xafiiska Maayirka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in bulshada si joogto ah loola wadaago adeegyada, mashaariicda iyo hawlaha ay dawladda hoose u hayso shacabka.


 

Maayirka Magaalada Berbera iyo Ku-xigeenkiisa ayaa si faahfaahsan u dhegaystay warbixinnada ay soo bandhigeen Agaasimayaasha Waaxyaha, iyaga oo ku ammaanay dedaalka shaqaalaha dawladda hoose, isla markaana ku boorriyey inay sii xoojiyaan adeegyada iyo shaqada ay u hayaan bulshada Berbera.

 

Kulankan toddobaadlaha ah ayaa qayb ka ah qorshaha maamulka cusub ee Dawladda Hoose ee Berbera ee lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, wada-shaqaynta iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada loo fidiyo bulshada.

Loading...
Loading...