Wasaaradda Ganacsiga Oo Kala Noqotay Liisankii Shirkad Bixin Jirtay Adeegyada Fiisaha Turkiga

0
Friday July 31, 2026 - 19:05:07 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Ganacsiga Oo Kala Noqotay Liisankii Shirkad Bixin Jirtay Adeegyada Fiisaha Turkiga

    Agaasimaha Waaxda La-dagaallanka Ganacsiga Sharci-darrada ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Waaxda La-dagaallanka Ganacsiga Sharci-darrada ah


Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah uga laabatay ruqsaddii ganacsi ee shirkad ka shaqaynaysay adeegyada fiisayaasha dalka Turkiga, kaddib markii lagu eedeeyey inay muddo hal sano ah ku hawlanayd ganacsi sharci-darro ah isla markaana ay jebisay shuruucda iyo xeerarka dalka.


 

Agaasimaha Waaxda La-dagaallanka Ganacsiga Sharci-darrada ah ee Wasaaradda Ganacsiga, Dhuux Cabdillaahi Cabdi, ayaa sheegay in shirkaddu ay iska dhego-tirtay yeedhitaanno iyo digniino isdaba joog ah oo ay wasaaraddu u dirtay si ay u waafajiso hawlaheeda shuruucda dalka.



 

Waxa uu yidhi: "Shirkaddu waxay muddo hal sano ah ku shaqaynaysay sharci-darro, iyadoo jebisay xeerarka dalka. Laga bilaabo maanta waxa laga kala noqday liisankeedii ganacsi, waxaanan shacabka uga digaynaa inaanay wax xidhiidh ah la samayn ilaa amar dambe.”


 

Dhanka kale, Agaasimuhu waxa uu digniin u diray ganacsatada ka shaqaysa kalluunka, khudaarta iyo qaadka ee aan cusboonaysiin ruqsadahooda ganacsi.


 

Waxa uu sheegay in Wasaaraddu siisay ganacsatadaasi muddo 10 maalmood ah oo kama dambays ah si ay u cusboonaysiiyaan liisamadooda, isaga oo ka digay in cid kasta oo ku guuldarraysata ay la kulmi doonto tallaabooyin waafaqsan sharciga.


 

Waxa uu yidhi: "Ganacsatada badeecadaha qoyan waxaan siinay 10 maalmood oo kama dambays ah inay ku cusboonaysiiyaan liisamadooda, haddii kale tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa.”


 

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa ugu dambayn ugu baaqday dhammaan ganacsatada inay u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka ganacsiga dalka, si loo xaqiijiyo hufnaanta, ilaalinta xuquuqda macaamiisha iyo nidaamka ganacsiga Somaliland.

Loading...
Loading...