Maareeyaha Wadooyinka: "Waxaan Bilownay Wajiga Labaad Ee Daamurka Waddada Boorama–Baki"
Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Faarax Cabdi, ayaa shaaciyey in si rasmi ah loo bilaabay wajiga labaad ee dhigista daamurka waddada Boorama–Baki, isaga oo sheegay in mashruucu galay marxalad muhiim ah kaddib in ka badan hal sano oo lagu dhisay saldhigga waddada iyo kaabeyaasheeda.
Maareeyuhu waxa uu sheegay in muddadii la soo dhaafay xoogga la saaray dhismaha buuraha, biyo-mareennada iyo dooxyada, kuwaas oo uu ku tilmaamay qaybihii ugu adkaa ee mashruuca, si loo xaqiijiyo in waddadu noqoto mid adag oo muddo dheer u adeegta bulshada.
Waxa uu yidhi: "Waxaan maanta bilownay dhigista daamirka wajiga labaad ee waddada Boorama ilaa Baki. Muddo sannad iyo dhowr bilood ah ayaanu ka shaqaynaynay dhismaha buuraha iyo biyo-mareennada ama dooxyada si loo helo waddo adag oo muddo dheer u adeegta bulshada.”
Mudane Maxamed Faarax Cabdi ayaa sheegay in waddadan loo dhisayo heer tayo sare leh, si ay ugu adkaysato daadadka, roobabka iyo khataraha deegaanka, isla markaana ay fududayso isu-socodka gaadiidka iyo shacabka.
Maareeyuhu waxa kale oo uu caddeeyey in mashruucan aan lagu maalgelin deeqo ama qaadhaan dibadeed, balse gebi ahaanba lagu fulinayo dakhliga gudaha ee dowladda.
Waxa uu yidhi: "Waddadan laguma dhisayo lacag dibadda inooga timi ama qaadhaan. Waxa lagu dhisayaa cashuurta ay shacabka ay ka ururiso Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu, taasina waa wax lagu faano.”
Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka ayaa xusay in mashruucani ka mid yahay dadaallada xukuumaddu ku horumarinayso kaabeyaasha waddooyinka dalka, si loo xoojiyo isku socodka, ganacsiga iyo horumarka bulshada.


0 





