Madaxweyne Cirro: "Caafimaadka Dadkeenna Ma Aha Arrin La Siyaasadeyn Karo"

0
Thursday July 30, 2026 - 19:30:14 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cirro: "Caafimaadka Dadkeenna Ma Aha Arrin La Siyaasadeyn Karo"

    Madaxweynuhu waxa uu hadalkan ka jeediyey intii uu booqashada ku joogay Qaybta ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynuhu waxa uu hadalkan ka jeediyey intii uu booqashada ku joogay Qaybta ...


May be an image of one or more people


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in caafimaadku aanu ahayn arrin la siyaasadayn karo, balse uu yahay waajib qaran iyo masuuliyad ay xukuumaddiisu si buuxda u qaadday, isagoo xusay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay mudnaanta koowaad ee dowladda.


 

Madaxweynuhu waxa uu hadalkan ka jeediyey intii uu booqashada ku joogay Qaybta Sifaynta Kelyaha ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo uu kula kulmay bukaannada adeegga sifaynta kelyaha ku tiirsan, isla markaana uu u kuurgalay xaaladdooda iyo baahiyaha jira.


 

Madaxweyne Cirro ayaa carrabka ku adkeeyey in helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh uu yahay xuquuq uu leeyahay muwaadin kasta, isla markaana xukuumaddu ay ka go’an tahay inay sii xoojiso adeegyada caafimaadka iyo tayaynta xarumaha caafimaadka ee dalka.


 

"Caafimaadka dadkeenna ma aha arrin la siyaasadeyn karo, waa waajib Qaran iyo masuuliyad ay Xukuumaddaydu si buuxda u qaadatay una leedahay. Daryeelka caafimaadku waa xuquuq uu muwaadin kastaa leeyahay, waana mudnaanta koowaad ee Xukuumaddayda,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

 

Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey in xukuumaddiisu sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, gaar ahaan kuwa la xidhiidha daaweynta cudurrada halista ah, si bulshada Somaliland ay u helaan adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh, isla markaana daboolaya baahiyahooda.

Loading...
Loading...