Wasiirka Arrimaha Gudaha: "May Maqnayn, Way Cimra-tageen, Maantana Way Soo Noqdeen"

0
Thursday July 30, 2026 - 19:28:13 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha: "May Maqnayn, Way Cimra-tageen, Maantana Way Soo Noqdeen"

    Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in masuuliyiintii maanta lagu soo dhaweeyey Somaliland ay yihiin xubno muddo ka maqnaa dalka, hase yeeshee aanay jirin wax colaad ama khilaaf ah oo u dhexeeyey iyaga iyo Somaliland.



 

Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), tan iyo markii uu xilka la wareegay uu mudnaan siiyey nabadda, wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta, isaga oo xusay in soo laabashada masuuliyiintani ay ka mid tahay natiijooyinka ka dhashay siyaasaddaas.


 

"Innagama ay maqneyn ee way cimra-tageen, wayna ka soo noqdeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland maalintii uu talada dalka qabtay nabad ayuu ku baaqayay, ilaa maantana wuu wadaa. Waxaan halkan ku soo dhoweynaynaa xubno aad u qiimo badan oo ka yimid gobollada Sool iyo Sanaag,” ayuu yidhi Wasiir Cabdalle Maxamed Carab.


 

Wasiirka ayaa tilmaamay in xubnaha la soo dhaweeyey ay yihiin masuuliyiin iyo waxgarad door muhiim ah ku leh bulshadooda, isla markaana dib ugu soo laabashadoodu ay xoojinayso wadajirka, isfahamka iyo nabadda Somaliland.


 

Waxa uu ugu dambayn ku baaqay in la sii adkeeyo dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo wada noolaanshaha bulshada, isaga oo sheegay in xukuumaddu ay ka go’an tahay sii wadidda siyaasadda nabadda iyo midnimada guud ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Loading...
Loading...