Guddoomiye Faratoon: "Waxay Garteen Inay Dadkooda Iyo Dalkooda Talo Wanaagsan U Raadiyaan"
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in xildhibaannadii maanta lagu soo dhaweeyey Somaliland ay dib ugu soo laabteen dalkoodii, isla markaana ay doorteen inay ka shaqeeyaan danta shacabka iyo horumarka qaranka.
Guddoomiye Faratoon ayaa ku bogaadiyey masuuliyiintaasi go’aanka ay qaateen, isaga oo sheegay in uu yahay mid ka tarjumaya masuuliyad qaran iyo himilo ku wajahan u adeegidda bulshada ay matalaan.
"Waxaan aad ugu hambalyeynayaa kuna bogaadinayaa inay garteen oo go’aansadeen inay dalkooda iyo dadkooda talo wanaagsan u raadiyaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).
Waxa uu xusay in dib ugu soo laabashada xildhibaannadani ay tahay tallaabo xoojinaysa wadajirka bulshada, isla markaana gacan ka geysanaysa adkaynta nabadda, iskaashiga iyo midnimada Somaliland.
Guddoomiye Faratoon ayaa sidoo kale tilmaamay in wadajirka iyo isu tanaasulku ay yihiin tiirarka lagu gaadhi karo horumar waara, isaga oo ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada lagu dhisayo nabadda, wada noolaanshaha iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.


0 





