Wasiir Siciid Buraale: "Xildhibaannadu Dhulkoodii Ayay Ku Soo Noqdeen, Soo Dhawayntuna Waa Astaan Walaaltinimo"
Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Maxamed Buraale, ayaa sheegay in soo dhoweynta loo sameeyey xildhibaannadii ka soo baxay maamulka Waqooyi-bari ay muujinayso walaaltinimada, kalgacalka iyo isku duubnida bulshada Somaliland, isaga oo xusay in masuuliyiintaasi ay dib ugu soo laabteen dalkoodii.
Wasiirku waxa uu sheegay in xildhibaannadan, oo ay hormuud u ahayd Fihiima Yuusuf Quunje, ay yihiin masuuliyiin aqoon iyo waayo-aragnimo leh oo qiimo ugu fadhiya bulshada, isla markaana aan loo arag marti, balse ay yihiin muwaadiniin ku soo laabtay dhulkoodii.
"Soo dhoweyn keliya ma aha ee dhulkiinii ayaad timaadeen, balse muddadii koobnayd ee aynu kala maqneyn ayaa boholyow abuurmay. Maanta waxaad dareemaysaan kalgacalka iyo qiimaha la idiin hayo,” ayuu yidhi Wasiir Siciid Maxamed Buraale.
Waxa uu intaa ku daray in soo laabashada masuuliyiintani ay tahay tallaabo xoojinaysa midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland, isaga oo ku baaqay in la sii adkeeyo nabadda, is-aaminaadda iyo wada noolaanshaha shacabka.
Hadalka Wasiirka Maalgashiga ayaa ku soo beegmaya xilli ay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si diirran u soo dhaweeyeen xildhibaannada dib ugu soo laabtay Somaliland, iyadoo munaasabaddaasi lagu muujiyey, sida masuuliyiintu sheegeen, muhiimadda ay leedahay xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada.


0 





