Wasiirka Maalgashiga Somaliland Oo Fariin U Diray Madaxda Soomaaliya

0
Thursday July 30, 2026 - 19:22:09 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maalgashiga Somaliland Oo Fariin U Diray Madaxda Soomaaliya

    Mudane Siciid Maxamed Buraale ayaa sheegay in muuqaalka maanta laga arkay..,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Siciid Maxamed Buraale ayaa sheegay in muuqaalka maanta laga arkay..,,



Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Maxamed Buraale, ayaa fariin u diray madaxda Soomaaliya, kaddib munaasibad lagu soo dhaweeyey afar xildhibaan oo ka soo baxay maamulka Waqooyi-bari, kuwaas oo dib ugu soo laabtay Somaliland.


 

Wasiirka ayaa sheegay in soo dhoweynta loo sameeyey masuuliyiintaasi ay ka tarjumayso isku duubni, walaaltinimo iyo taageerada ay bulshada Somaliland isu hayso, isaga oo xusay in xidhiidhka iyo kalgacalka ka dhexeeya shacabka aan la wiiqi karin.



 

Mudane Siciid Maxamed Buraale ayaa sheegay in muuqaalka maanta laga arkay Somaliland uu caddeyn u yahay wadajirka bulshada, isagoo farriin u diray madaxda Soomaaliya.


 

"Qolada Koonfureed waxaan leeyahay waad aragtaan maanta Somaliland, sida garbaha la isu haysto iyo wanaagga halkan ka socda. Ha ku daalina, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ‘lafba laf ku xigta ayaa lagu kaba’. Dadkani waa dad walaalo ah, tan sokeeye ee walaaltinimada ah ayaa naga ilaalinaysa dhaxanta,” ayuu yidhi Wasiirka Maalgashigu.


 

Wasiirku waxa uu sheegay in midnimada bulshada iyo wadajirka muwaadiniintu ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu ilaashado nabadda iyo xasilloonida Somaliland, isaga oo xusay in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo wada noolaanshaha iyo isfahamka bulshada.

 

Hadalka Wasiirka Maalgashiga ayaa yimid xilli ay masuuliyiin ka tirsan Somaliland si diirran u soo dhaweeyeen xildhibaannada dib ugu soo laabtay Somaliland, iyadoo masuuliyiin badan ay munaasibaddaasi ku tilmaameen mid xoojinaysa dib-u-heshiisiinta, wadajirka iyo nabadda dalka.

Loading...
Loading...