Fihiima Quunje: "Kuwani Waa Bilowga Soo Laabashada, Saaxiibo Badanna Way Imanayaan"
Fihiima Yuusuf Quunje ayaa sheegay in soo dhoweynta xildhibaannada ka soo baxay maamulka Waqooyi-bari ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo midnimada bulshada Somaliland, iyadoo tilmaantay in tallaabadan ay tahay bilow ay ku xigi doonaan masuuliyiin kale.
Fihiima, oo hadal ka jeedisay munaasibad lagu soo dhoweynayey masuuliyiintaas duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in bulshada lagu gaadhayo deegaannadooda iyadoo la sida farriin nabadeed, isla markaana la dhiirrigelinayo wada noolaanshaha iyo isu soo dhowaanshaha shacabka.
"Kuwani waa bilowga soo laabashada. Dadka waa in loogu tagaa deegaannadooda, waxaana horkacaynaa calanka nabadda. Kooxdani ma aha kuwii ugu horreeyey, mana noqon doonaan kuwii ugu dambeeyey, saaxiibo badan oo kale ayaana iman doona,” ayay tidhi Fihiima Yuusuf Quunje.
Waxay sidoo kale bulshada ugu baaqday inay adkeeyaan midnimada, is-cafiska iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo sheegtay in Somaliland ay tahay dal ay dhammaan muwaadiniintu xuquuq ahaan u siman yihiin, isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo wixii khilaaf hore u jiray.
Fihiima ayaa intaas ku dartay in cafiska iyo isu tanaasulku ay yihiin saldhigga nabadda iyo wadajirka bulshada, iyadoo tidhi: "Haddii bulshada cafis guud ka soo baxdo, yaan loo fasiran in cid gaar ahi danbiile tahay. Waa in wixii dhacay laga gudbaa, la is-cafiyo, lana xoojiyo walaaltinimada iyo midnimadeenna.”
Gabagabadii, waxay si diirran u soo dhoweysay masuuliyiinta dib ugu soo laabtay Somaliland, iyadoo sheegtay inay ku soo laabteen dalkoodii, isla markaana aanay jirin meel ay ku yihiin marti ama magangelyo-doon, balse ay yihiin muwaadiniin dalkooda ku soo noqday.


0 





