Guddida Nabadgelyada Gobolka Saaxil Oo Ka Shiray Xoojinta Amniga Iyo Xasilloonida Gobolka
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa guddoomiyey shir ay yeesheen Guddida Nabadgelyada Gobolka Saaxil, kaas oo lagaga hadlay xaaladda amniga iyo sidii loo sii adkayn lahaa nabadda gobolka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta hay'adaha amniga, kor u qaadista isku-duwidda hawlgallada amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka Saaxil.
Mas'uuliyiintii ka qayb-gashay shirka ayaa falanqeeyey tallaabooyinka lagu xoojin karo ka hortagga wax kasta oo halis gelin kara amniga, iyagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya hay'adaha dowladda, maamulka gobolka iyo bulshada.
Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa ku boorriyey hay'adaha amniga inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda ku aaddan sugidda amniga, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka loona abuuro jawi ammaan ah oo bulshada iyo ganacsiguba ku shaqayn karaan.
Gabagabadii, xubnaha Guddida Nabadgelyada Gobolka Saaxil ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqaynta hay'adaha kala duwan iyo bulshada, si loo xaqiijiyo amni waara iyo nabad lagu sii ilaaliyo guud ahaan Gobolka Saaxil.


0 





