Senator Ted Cruz Oo Ku Baaqay In Maraykanku Somaliland U Sameeyo Talo Socdaal Oo Gaar Ah

0
Thursday July 30, 2026 - 19:15:01 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senator Ted Cruz Oo Ku Baaqay In Maraykanku Somaliland U Sameeyo Talo Socdaal Oo Gaar Ah

    Senator Cruz ayaa xusay in digniinta heerka afraad ee "Ha U Safrin (Do Not Travel)" ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senator Cruz ayaa xusay in digniinta heerka afraad ee "Ha U Safrin (Do Not Travel)" ...



Senator-ka laga soo doorto gobolka Texas ee dalka Maraykanka, Ted Cruz, ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ay dib u eegis ku samayso qiimaynta amniga ee Somaliland, isla markaana loo sameeyo talo socdaal (Travel Advisory) oo ka madax-bannaan tan Soomaaliya.

 

Bayaan uu Senator Ted Cruz soo saaray, oo ay turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), ayuu ku sheegay in talada socdaal ee hadda lagu dabaqo Soomaaliya ay si aan caddaalad ahayn u saamaynayso Somaliland, inkasta oo, sida uu sheegay, xaaladaha amni, siyaasadeed iyo maamul ee Somaliland ay si weyn uga duwan yihiin kuwa Soomaaliya inteeda kale.

 

Senator Cruz ayaa xusay in digniinta heerka afraad ee "Ha U Safrin (Do Not Travel)" ee Maraykanku ku dabaqo Soomaaliya ay ku salaysan tahay arrimo ay ka mid yihiin argagixisada, dambiyada, afduubyada, qalalaasaha, budhcad-badeedda, miinooyinka iyo khataro kale oo amni. Hase yeeshee, waxa uu ku dooday in qiimayntaas aanay ka tarjumayn xaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu ku tilmaamay maamul leh xasillooni iyo nidaam u gaar ah.

 

Waxa uu sheegay in Somaliland muddo ka badan 30 sano ay lahayd maamul shaqaynaya, nabad iyo hannaan dimuqraadi ah, isaga oo xusay in tan iyo sannadkii 2003 ay si nabad ah uga qabsoomeen doorashooyin isdaba joog ah, isla markaana awoodda si dimuqraadi ah la isugu wareejiyey.

 

Ted Cruz ayaa sidoo kale ku tilmaamay Somaliland saaxiib muhiim u ah dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda, isaga oo sheegay inay door muuqda ka qaadato horumarinta danaha Maraykanka ee Geeska Afrika. Sida uu sheegay, ku darista Somaliland ee talada socdaalka ee Soomaaliya waxay diraysaa farriin aan waafaqsanayn xaqiiqada, isla markaana saamayn taban ku yeelanaysa xidhiidhka labada dhinac.

 

Senator-ku waxa uu intaa ku daray in siyaasadda hadda jirta ay caqabad ku tahay maalgashiga shirkadaha Maraykanka ee Somaliland, isla markaana ay adkaynayso socdaallada muwaadiniinta iyo masuuliyiinta Maraykanka ee ku wajahan Somaliland. Waxa uu ku dooday in shuruucda iyo qiimaynta socdaalka loo kala saaro Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay jiraan kala duwanaansho muuqda oo dhinaca amniga iyo maamulka ah.

 

Gabagabadii, Senator Ted Cruz ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, in si degdeg ah loo bilaabo qiimayn amni oo madax-bannaan, isla markaana Somaliland loo soo saaro talo socdaal oo u gaar ah. Waxa uu sheegay in tallaabadaasi ay siin doonto muwaadiniinta Maraykanka xog sax ah oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee Somaliland, isla markaana ay sii xoojin doonto iskaashiga u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland, oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah saaxiibbada ugu kalsoonida badan ee Maraykanku ku leeyahay Geeska Afrika.


Loading...
Loading...