Weerar Yahanka Cristiano Ronaldo Si Cajiib Ah Loogu Maamuusay Maqaaxi Uu Cunto U Soo Doontay.

0
Thursday March 14, 2019 - 12:57:02 in News by
  • Visits: 2042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Yahanka Cristiano Ronaldo Si Cajiib Ah Loogu Maamuusay Maqaaxi Uu Cunto U Soo Doontay.

    Weerar Yahanka Cristiano Ronaldo Si Cajiib Ah Loogu Maamuusay Maqaaxi Uu Cunto U Soo Doontay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar Yahanka Cristiano Ronaldo Si Cajiib Ah Loogu Maamuusay Maqaaxi Uu Cunto U Soo Doontay.


Weeraryahanka JuventusCristiano Ronaldoayaa sameeyay wax cajiib ah kadib markii uu kooxdiisa u suuragaliyay iney si cajiib leh ugu gudubto wareega quarter finalka, waxeyna noqotay arrin aad loo hadal hayo maadaama ay kasoo gudbeen koox aan la dhayalsan karin.



Juventus waxey 3-0 ku dileen kooxda Atletico Madrid oo soo booqatay magaalada Turin, waxeyna kasoo kabteen guuldaro 2-0 ah oo kusoo gaartay magaalada Madrid, sidaas darteed kooxda difaacaneysa horyaalka talyaaniga waxey wareega xiga ugu gudubtay 3-2.


Sida lasoo wariyay xiddiga reer Portugal wuxuu helay sharfid lama filaan ah markii uu banaanka ugu baxay inuu soo casheeyo habeenkii xigay gusha, waxaana la aaminsan yahay in jamaahiirta kooxda ay si qurux badan waxqabadkiisa ugu amaaneen markii uu soo gaaray maqaaxida.


Ronaldowuxuu usoo dagay qeybta hoose ee maqaaxida, wuxuuna la kulmay sacab tun iyo sidoo kale u istaagid lagu sharfayo, qaar ka mid ah jamaahiirta ayaana ku ooyay goobta si ay ugu muujiyaan mahad celinta waxa uu sameeyay.


CR7 waa xiddiga ugu goolasha badan taariikhda koobka horyaalada yurub, sidoo kalana wuxuu hardan ugu jiraa markii afaraad oo xiriir ah inuu ku guuleysto koobka Champions League maadaama uu saddex xidhiidh ah lasoo gudoomay Real Madrid.

 


Loading...
Loading...