Madaxweyne Cirro Oo Booqday Qaybta Sifaynta Kelyaha Ee Cusbitaalka Hargeysa, Ballan Qaaday Horumarinta Adeegga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka aroortii hore booqasho ku tagay Qaybta Sifaynta Kelyaha ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo uu si toos ah ula kulmay bukaannada adeegga sifaynta kelyaha ku tiirsan, si uu ugu kuurgalo xaaladdooda caafimaad iyo adeegyada ay helaan.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweynaha ayaa qof qof ula hadlay bukaannada, isaga oo dhegaystay cabashooyinkooda iyo baahiyaha ay qabaan. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh uu yahay waajib qaran, isla markaana xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siinayso daryeelka caafimaadka muwaadiniinta.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa, kaas oo ka xog warramay xaaladda adeegga sifaynta kelyaha, baahiyaha jira, tirada bukaannada ka faa’iidaysta adeegga iyo caqabadaha horyaalla xarunta.
Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ay si degdeg ah wax uga qaban doonto baahiyaha ka jira qaybta sifaynta kelyaha, gaar ahaan dhinacyada mishiinnada sifaynta, qalabka caafimaadka, agabka lagama maarmaanka ah iyo tayeynta adeegyada naf-badbaadinta u ah bukaannada sida joogtada ah ugu baahan sifaynta kelyaha.
Booqashadan ayaa ka tarjumaysa, sida ay Madaxtooyadu sheegtay, dadaallada ay xukuumaddu ugu jirto kor u qaadista adeegyada caafimaadka iyo hubinta in shacabka Somaliland ay helaan daryeel caafimaad oo hufan, tayo leh isla markaana daboolaya baahiyaha bukaannada dalka.


0 





