Wasiirka Arrimaha Dibedda Oo Golaha Wasiirrada Ka Warbixiyey Dadaallada Aqoonsi-raadiska Iyo Xoojinta Xidhiidhada Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey horumarka laga gaadhay siyaasadda arrimaha dibedda, isaga oo dul istaagay dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu xoojinayey xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo ololaha aqoonsi-raadiska ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibeddu ay sii waddo dedaallada lagu ballaadhinayo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay beesha caalamka, isla markaana kor loogu qaadayo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo danaha qaranka ee fagaarayaasha caalamiga ah.
Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa xusay in hirgelinta himilooyinka diblomaasiyadeed ee Somaliland ay u baahan tahay iskaashi iyo dedaal mideysan oo ay si wadajir ah uga qayb qaataan xukuumadda iyo shacabka, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee la hiigsanayo.
Waxa uu sidoo kale Golaha Wasiirrada u sheegay in xilligan ay sii kordhayaan, sida uu sheegay, dadka iyo dalalka ka soo horjeeda jiritaanka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Somaliland ay yeelato hal mowqif iyo hal ujeeddo oo lagu difaacayo danaha qaranka iyo qaddiyadda madax-bannaanida.
Wasiirku waxa uu ku baaqay in la xoojiyo midnimada iyo wadajirka bulshada, isaga oo sheegay in isku-duubnida qaranku ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaadhi karo guulaha diblomaasiyadeed iyo horumarinta sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamka.


0 





