Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyey Siyaasadda Qaran Ee Calafka Xoolaha Iyo Qodobo Kale Oo Muhiim Ah

0
Wednesday July 29, 2026 - 21:06:36 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 16
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyey Siyaasadda Qaran Ee Calafka Xoolaha Iyo Qodobo Kale Oo Muhiim Ah

    Goluhu waxa kale oo uu warbixin ka dhegaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goluhu waxa kale oo uu warbixin ka dhegaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha
May be an image of one or more people, dais and text



Fadhigii 70-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa lagaga hadlay arrimo door muhiim ah u leh horumarka dalka, amniga, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah.


 

Qodobka ugu muhiimsan ee fadhiga ayaa ahaa ansixinta Siyaasadda Qaran ee Calafka Xoolaha, taas oo Golaha Wasiirradu dood iyo falanqayn dheer kadib si aqlabiyad buuxda ugu ansixiyeen cod gacan-taag ah. Siyaasaddan ayaa lagu sheegay mid dejinaysa hannaan qaran oo lagu horumarinayo soo saarista, kaydinta, tayaynta iyo maaraynta calafka xoolaha, iyadoo lagu xoojinayo adkaysiga bulshada reer miyiga ah iyo wax-soo-saarka xoolaha oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha Somaliland.


 

Goluhu waxa kale oo uu warbixin ka dhegaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Cabdalle Maxamed Carab, oo sheegay in guud ahaan amniga Somaliland uu yahay mid deggan, isla markaana dhammaan gobollada dalka ay ka jirto nabad iyo xasillooni. Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Tamarta iyo Macdantu ay diyaariyeen hannaan lagu sugayo amniga goobaha laga baadho lagana soo saaro macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah.


 

Dhanka dhaqaalaha, Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa Golaha uga warbixiyey xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka, isagoo tilmaamay saamaynta ay colaadaha Bariga Dhexe ku yeesheen dakhliga qaranka, qiimaha shidaalka iyo maciishadda. Waxa uu sidoo kale sheegay in ay socdaan diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2027, iyadoo mudnaanta la saarayo kobcinta dakhliga gudaha iyo xasilloonida dhaqaalaha.


 

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, ayaa Golaha u soo bandhigay qorshaha qaranka ee u guurista nidaamka Digitalization, isagoo sheegay in casriyeynta adeegyada dowladda iyo kobcinta dhaqaalaha dijitaalka ahi ay muhiim u yihiin horumarka Somaliland iyo la jaanqaadidda isbeddellada tiknoolajiyadda dunida.


 

Goluhu waxa kale oo uu dhegaystay warbixin ku saabsan diyaar-garowga Horyaalka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland, taas oo uu soo jeediyey Wasiir Ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase). Waxa uu sheegay in dhammaan diyaar-garowgii tartanka la soo gabagabeeyey, isaga oo sidoo kale shaaciyey in 14-ka Agoosto 2026 ay Somaliland martigelin doonto tartanka orodka Marathon-ka oo ay ka qayb geli doonaan dalal badan.


 

Sidoo kale, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan, ayaa Golaha uga warbixiyey waxqabadka wasaaraddiisa, isagoo sheegay inay xoogga saarayaan tayeynta hay’adaha qaranka, dib-u-habaynta xeerarka iyo kor u qaadista fahamka bulshada ee Dastuurka iyo nidaamka dowladnimada.


 

Gabagabadii, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa Golaha la wadaagay warbixin ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda, dadaallada aqoonsi-raadinta iyo xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed. Wasiirku waxa uu xusay in guusha himilooyinka diblomaasiyadeed ee Somaliland ay u baahan tahay isku-duubni qaran, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dowladda iyo shacabka ay hal mowqif ka yeeshaan difaaca danaha iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Loading...
Loading...