Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Maraykanka Iyo Czech

Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday dalalka Maraykanka iyo Czech, kuwaas oo booqasho sharafeed ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland si ay uga qayb galaan Bandhigga Caalamiga ah ee Buuggaagta Hargeysa (Hargeysa International Book Fair).
Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si diirran u soo dhaweeyey xubnaha weftiga, isaga oo warbixin ka siiyey taariikhda Somaliland, geeddi-socodka dimuqraadiyadda, nabadda iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay sannadihii la soo dhaafay.
Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyey weftiga dadaallada ay ku bixinayaan gaadhsiinta qaddiyadda Somaliland dalalkooda iyo bulshooyinka ay ka soo jeedaan, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in saaxiibbada caalamku sii xoojiyaan taageerada ay u muujiyaan qaddiyadda qaranimada Somaliland.
Dhankooda, xubnaha weftiga ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI soo dhoweyntii diirranayd ee uu u sameeyey, iyagoo sheegay inay si weyn ula dhaceen nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay.
Waxay sidoo kale bogaadiyeen shacabka iyo dowladda Somaliland dadaallada ay ugu jiraan dhismaha qaranka, iyagoo sheegay inay sii wadi doonaan sidii ay hay’adaha iyo bulshada dalalkooda ugu gudbin lahaayeen xaqiiqooyinka ku saabsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarka ay gaadhay.






0 





