Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Iyo Tamarta Oo Kala Saxeexday Heshiiska Dhismaha Cutubka Ilaalada Khayraadka Macdanta Iyo Shidaalka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis lagu aas-aasayo laguna hirgelinayo Cutubka Ilaalada Khayraadka Macdanta iyo Shidaalka (Energy Protection Unit – EPU), kaas oo ka mid noqon doona Ciidanka Booliska Somaliland.
Heshiiska ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta amniga goobaha laga sahaminayo lagana soo saarayo khayraadka dabiiciga ah, iyadoo la ilaalinayo macdanta, shidaalka iyo kaabeyaasha la xidhiidha tamarta si waafaqsan shuruucda dalka.
Masuuliyiinta labada wasaaradood ayaa sheegay in dhismaha Cutubkan Ilaalada Khayraadka uu muhiim u yahay horumarinta maalgashiga, maadaama uu sare u qaadayo kalsoonida maalgashadayaasha iyo ilaalinta hantida lagu maalgeliyo qaybaha tamarta iyo macdanta.
Sidoo kale, waxay xuseen in Cutubka Ilaalada Khayraadka Macdanta iyo Shidaalka (EPU) uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga goobaha hawlgallada, ka hortagga falalka sharci-darrada ah iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada ay xukuumaddu ku xoojinayso maamulka iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyadoo la dhisayo hannaan amni oo taageera horumarinta maalgashiga, koboca dhaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga waara ee khayraadka Somaliland.


0 





