Wasiirka Caafimaadka: Xukuumaddu Markii Ugu Horreysay Waxay Dalka Keentay Saddex Qalab Oo CT-Scan Ah Iyo MRI
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir, ayaa shaaciyey in Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay qaaday tallaabooyin lagu ballaadhinayo adeegyada baadhista casriga ah ee caafimaadka, isagoo sheegay in markii ugu horreysay dalka la keenay saddex qalab oo CT-Scan ah iyo hal mashiin oo MRI ah.
Wasiirka ayaa sheegay in qalabkaasi loo qaybiyey gobollada dalka si loo fududeeyo helitaanka adeegyada caafimaad ee casriga ah, isagoo xusay in qalabka CT-Scan laga hirgeliyey Cusbitaalka Borama, halka kuwo kalena loo qorsheeyey magaalooyinka Ceerigaabo iyo Berbera.
Dr. Xuseen Bashiir ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ay soo iibsatay mashiinka MRI-ga, isagoo caddeeyey in qalabkaasi laga soo iibiyey gudaha dalka, isla markaana ay dowladda xaq u leedahay inay iibsato qalab caafimaad oo laga heli karo gudaha Somaliland.
Wasiirka ayaa tilmaamay in adeegga MRI-ga lagu qiimeeyey lacag ka jaban tan xarumaha gaarka loo leeyahay, isla markaana bukaannada loo diyaariyey gaadiid u qaada goobta adeegga laga bixiyo, halka dadka aan awoodin bixinta kharashkana, sida uu sheegay, aan wax lacag ah laga qaadi doonin.
Dr. Xuseen Bashiir ayaa yidhi: "Cusbitaalka waxaan keenay saddex CT-Scan. Waligeed Somaliland ma dhicin dowlad keenta saddex CT-Scan, waxa ugu horreysay Xukuumadda Madaxweyne Cirro. Borama mid aan dhignay waa shaqaynayaa, midna Ceerigaabo ayaa loo wadaa oo dhismihii ayaa socda, midna Berbera ayaa dhigaynaa. MRI ayaan soo iibinnay, mana aha mid aan dibadda ka keenay ee waa mid aan gudaha ka iibsanay. Qofka bukaanka ah waxaan u samaynay bas lagu qaado oo lagu geeyo halka uu yaallo, qiimuhuna waa ka jaban yahay kuwa gaarka loo leeyahay, qofka aan haysanna waxba lagama qaado, ka kalena waxa uu haysto ayaa laga qaadaa.”
Wasiirku waxa uu sheegay in tallaabooyinkani ay qayb ka yihiin qorshaha xukuumaddu ku horumarinayso adeegyada caafimaadka, si bulshada gobollada dalka loogu dhoweeyo adeegyada baadhista casriga ah, loona yareeyo baahida loo qabo in bukaannadu u safraan meelo fog si ay u helaan adeegyadaas.


0 





