Xildhibaanno Ka Soo Jeeda Woqooyi-bari Oo Shaaciyey Ku Biiristooda Somaliland

0
Wednesday July 29, 2026 - 20:11:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanno Ka Soo Jeeda Woqooyi-bari Oo Shaaciyey Ku Biiristooda Somaliland

    Dhanka kale, Xildhibaan Cabdisalaam Camocamo ayaa la sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdisalaam Camocamo ayaa la sheegay



Xildhibaanno ka soo jeeda deegaannada Woqooyi-bari oo hore looga qaaday xasaanaddii Golaha ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay ku biireen Jamhuuriyadda Somaliland, kaddib safar ay maanta ku tageen magaalada Hargeysa, halkaas oo ay gaadheen kadib muddo ay ku sugnaayeen Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS).

 

Wararka la helayo ayaa sheegaya in afarta mudane ay caddeeyeen mowqifkooda ku aaddan ku biirista Somaliland, iyagoo sheegay inay go’aansadeen inay qayb ka noqdaan geeddi-socodka siyaasadeed ee Somaliland.

 

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdisalaam Camocamo ayaa la sheegay inuu yahay xubinta keliya ee aan ku biirin go’aankaasi. Waxa uu sheegay inuu ka baxay dowladda uu hoggaamiyo Cabdirisaaq Khaliif Firdhiye, balse aanu ka tegin dadkiisa iyo deegaankiisa.

 

Xildhibaan Cabdisalaam Camocamo ayaa sheegay in go’aankiisu uu yahay mid uu ku ilaalinayo xidhiidhka uu la leeyahay bulshada iyo deegaanka uu matalo, isagoo caddeeyey inuu ka duwanyahay go’aanka ay qaateen afarta xildhibaan ee kale.

 

Ku dhawaaqista xildhibaannadan ayaa imanaysa iyadoo ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xidhiidha xaaladda deegaannada Woqooyi-bari, kuwaas oo si weyn u soo jiitay dareenka bulshada iyo dhinacyada siyaasadda.


Loading...
Loading...