Wasaaradda Maaliyadda Oo Daahfurtay Kulan Lagu Dhamaystirayo Hagaha Maamulka Mashaariicda Dowladda

0
Wednesday July 29, 2026 - 19:54:06 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyadda Oo Daahfurtay Kulan Lagu Dhamaystirayo Hagaha Maamulka Mashaariicda Dowladda

    Masuuliyiinta ayaa sheegay in hagahan uu ujeeddadiisu tahay in la hubiyo....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta ayaa sheegay in hagahan uu ujeeddadiisu tahay in la hubiyo....



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan-hawleed soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo lagu lafo-gurayo Hagaha Maamulka Mashaariicda laga Maalgeliyo Miisaaniyadda Dowladda, si loo xoojiyo hannaanka qorshaynta iyo maamulka mashaariicda horumarineed.



 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo dhammaystirka hagahan, kaas oo dejinaya hab-raacyo mideysan oo lagu qorsheeyo, lagu qiimeeyo laguna maareeyo mashaariicda laga maalgeliyo miisaaniyadda dowladda, si loo xaqiijiyo hufnaan iyo isla xisaabtan.


 

Masuuliyiinta ayaa sheegay in hagahan uu ujeeddadiisu tahay in la hubiyo in mashaariicda dowladda ay noqdaan kuwo si wanaagsan loo qorsheeyey, loo qiimeeyey loona hirgeliyey, si ay u gaadhaan yoolalka iyo natiijooyinka horumarineed ee laga filayo.


 

Sidoo kale, hagahan ayaa la sheegay inuu door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta nidaamka maamulka maalgelinta mashaariicda dowladda, isagoo hubinaya inaan miisaaniyadda qaranka lagu darin mashaariic aan si buuxda loo diyaarin, aan la qiimayn tayadooda ama aan waafaqsanayn qorshayaasha iyo mudnaanta horumarineed ee qaranka.


 

Kulanka labada maalmood soconaya ayaa la filayaa inuu soo saaro talooyin iyo hab-raacyo lagu horumarinayo maamulka mashaariicda dowladda, si kor loogu qaado hufnaanta isticmaalka miisaaniyadda iyo hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo ka qayb qaata horumarka dalka.

Loading...
Loading...