Maalintii fahiima quuje soo noqotay ban intan idhi
waqooyi bari waa badhkeeno
bariga dalkeena weeyo
markii ina biixi baanay
markii baaruudu yeedhay
rasaastu markay butaacday
kolkii beegsigu bilaabmay
fahiimi haday badheedhay
maxa hadda loo belaysan
waqooyi bari waa badhkeeno
bariga dalkeena weeyo
barwaaqada gaasta aasan
bilicda eebe siiyay
inan baranay ahayde
markii ina biixi baanay
kolkii beegsigu bilaabmay
fahiima haday badheedhay
maxa hada loo baleysan
baadiyaha shacabkana yaala
bisayl nabadbuu rabaaye
bogcada dalkeen ku yaalo
bulshadu ay beegsanayso
inan baranay ahayde
kolkii ina biixi baanay
markii beegsigu bilaabmay
fahiima haday badheedhay
maxaa hada loo belaysan
maalintii fahiima quuje soo noqotay ban intan idhi
abwaan hamza abdi Adam
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...


0 





