Maraykanka Oo Mamnuucay Qaar Ka Mid Ah Robot-yada Iyo Qalabka Korontada Ee Laga Keeno Shiinaha
Warbaahinta Al Jazeera ayaa ku warrantay in Maraykanku si rasmi ah u mamnuucay soo dejinta noocyo cusub oo robot-yo bini’aadamka u eg, gaar ahaan robot-yada afarta lugood leh iyo qalabka korontada ee power inverters laga soo saaro Shiinaha, iyadoo go’aanka lagu sababeeyey walaac la xidhiidha amniga internetka iyo amniga qaranka.
Sida lagu sheegay warbixinta, Guddiga Isgaadhsiinta Federaalka ee Maraykanka (FCC) ayaa sheegay in qalabkan uu abuuri karo khataro la xidhiidha silsiladda sahayda iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka, haddii ay suurtagal noqoto in ay faragelin ku sameeyaan dhinacyo shisheeye.
Warbixintu waxay xustay in xayiraaddan ay khusayso oo keliya qalabka aan weli loo oggolaan in lagu iibiyo gudaha Maraykanka, isla markaana ay qayb ka tahay dadaallada ay Washington ku yaraynayso ku tiirsanaanta tiknoolajiyadda laga keeno Shiinaha.
Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in go’aankan uu si gaar ah u saamayn doono shirkadda samaysa robot-yada ee Unitree, iyo sidoo kale shirkadaha soo saara qalabka korontada ee Huawei iyo Sungrow, kuwaas oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Shiinaha ee ka shaqeeya qaybahan.
Go’aankan ayaa imanaya iyadoo uu sii xoogaysanayo loollanka tiknoolajiyadeed iyo ganacsi ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha, kaas oo muddooyinkii u dambeeyey horseeday xayiraado iyo tallaabooyin is-daba joog ah oo la xidhiidha tiknoolajiyadda iyo amniga qaranka.


0 





