Wasiirka Maalgashiga: "Waxaan Diyaarinay 18 Goobood Oo U Qoondeysan Maalgashi"

0
Wednesday July 29, 2026 - 19:38:59 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maalgashiga: "Waxaan Diyaarinay 18 Goobood Oo U Qoondeysan Maalgashi"

    Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey Shirweynaha Isgarabsiga Dowladda iyo Ganacsiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey Shirweynaha Isgarabsiga Dowladda iyo Ganacsiga



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Maxamed Buraale, ayaa sheegay in xukuumaddu qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo kalsoonida maalgashadayaasha, isaga oo xusay in Somaliland ay xaqiijisay ilaalinta amniga iyo sharciga hantida lagu maalgeliyo dalka.

 

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey Shirweynaha Isgarabsiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo Leeyahay (Public-Private Partnership – PPP), oo maanta ka furmay magaalada Hargeysa, halkaas oo uu kaga hadlay doorka iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee kobcinta dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

 

Mudane Siciid Maxamed Buraale ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay hannaan sharci iyo mid amni oo lagu ilaalinayo maalgashiga, isagoo carrabka ku adkeeyey in dowladda ay diyaar u tahay inay dammaanad qaaddo badqabka hantida maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyey in dowladda Somaliland ay diyaarisay 18 goobood oo dalka ku yaalla, kuwaas oo loo asteeyey inay noqdaan goobo ku habboon maalgashi. Waxa uu sheegay in goobahaasi diyaar u yihiin ganacsatada iyo shirkadaha caalamiga ah ee doonaya inay ka hirgeliyaan mashaariic maalgashi Somaliland.

 

Wasiir Siciid Maxamed Buraale ayaa yidhi: "Dowlad ahaan diyaar ayaanu u nahay, maanta awoodna waanu u leenahay in hantida maalgashadayaasha aanu amnigeeda ku filanahay. Waxa aanu u haynaa sharcigii lagu kala hagayey, waxa aanu gacanta ku haynaa meelaha la maalgashanayo oo ilaa 18 meelood ah.”

 

Wasiirku waxa uu ugu dambayn sheegay in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo deegaanka maalgashiga, xoojinta iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo soo jiidashada maalgashi cusub oo gacan ka geysta koboca dhaqaalaha, horumarinta warshadaha iyo abuurista fursado shaqo.


Loading...
Loading...