Maayir Ku-xigeenka Hargeysa Oo Dhagax-dhigay Saddex Waddo Oo Muhiim Ah
Maayir Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, Aadan Jaamac Xaddi Mideeye, oo uu weheliyey Xoghayaha Fulinta Dowladda Hoose ee Hargeysa, ayaa saaka si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha saddex waddo oo muhiim u ah isu-socodka bulshada, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha horumarinta kaabeyaasha magaalada.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa ka dhacday waddooyinka laga hirgelinayo mashruucan, iyadoo Maayir Ku-xigeenku bulshada ku nool xaafadda Jameeco-weyn ugu baaqay inay ilaaliyaan jidka cusub isla markaana ay la shaqeeyaan shaqaalaha gacanta ku haya dhismaha waddada.
Maayir Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa ayaa yidhi: "Reer Jameeco-weyn waxaanu leenahay, jidkana ilaashada, nagala qayb qaata inta dhismuhu socdo.”
Masuuliyiintu waxay sheegeen in dhismaha saddexdan waddo uu qayb ka yahay waxqabadka 120-ka maalmood ee hoggaanka cusub ee Caasimadda Hargeysa, kaas oo lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah iyo kaabeyaasha magaalada.
Waddooyinka la dhagax-dhigay ayaa kala ah waddada Jameecada ee Degmada Maxamuud Haybe, waddada Cagaara ee Degmada Axmed Dhagax iyo waddada Imaaraadka ee Degmada Gacan Libaax. Sida ay masuuliyiintu sheegeen, dhismaha waddooyinkan ayaa wax weyn ka tari doona fududeynta isu-socodka gaadiidka, kor u qaadista adeegyada bulshada iyo dardargelinta horumarka degmooyinka ay ka hirgelayaan.


0 





