Maareeyaha Dekedaha Somaliland Iyo Wasiirka Ganacsiga Oo Berbera Ku Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Iskaashiga Ganacsiga

0
Monday July 27, 2026 - 13:50:31 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland Iyo Wasiirka Ganacsiga Oo Berbera Ku Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Iskaashiga Ganacsiga

    Waxa kale oo kulanka lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa kale oo kulanka lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo

May be an image of one or more people and text


Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa magaalada Berbera kulan kula yeeshay masuuliyiin ka socday shirkadda DP World, Kastamka Somaliland iyo shirkadaha maraakiibta, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo gaadiidka badda.


 

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey xaaladaha saameynaya isu socodka maraakiibta iyo ganacsiga gobolka, gaar ahaan sidii loo maareyn lahaa khataraha ka jira marin-biyoodka caalamiga ah, si loo ilaaliyo joogtaynta adeegyada dekedda iyo socodka ganacsiga.


 

Masuuliyiinta ka qaybgalay kulanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta u dhexeysa hay’adaha dowladda, DP World, Kastamka iyo shirkadaha maraakiibta, si loo helo hannaan mideysan oo wax looga qaban karo caqabadaha saameeya isu socodka badeecadaha iyo adeegyada dekedaha.


 

Waxa kale oo kulanka lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo xasilloonida ganacsiga, korna loogu qaadi lahaa kalsoonida ganacsatada iyo shirkadaha adeegsada Dekedda Berbera, taas oo door muhiim ah ka qaadata koboca dhaqaalaha Somaliland.


 

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta iskaashiga iyo isku-dubbaridka dadaallada lagu ilaalinayo amniga marin-biyoodka, joogtaynta ganacsiga iyo horumarinta adeegyada Dekedda Berbera.

Loading...
Loading...