Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Oo Kulan Isla Xisaabtan Ah La Yeelatay Wasiirka Maalgashiga Iyo Warshadaha

0
Sunday July 26, 2026 - 14:12:50 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Oo Kulan Isla Xisaabtan Ah La Yeelatay Wasiirka Maalgashiga Iyo Warshadaha

    Kulanka, oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Guddida Joogtada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka, oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Guddida Joogtada



Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan isla xisaabtan iyo xog-waraysi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha, Mudane Siciid Sheekh Maxamed Buraale, si ay warbixin uga helaan waxqabadka wasaaradda, caqabadaha horyaalla iyo qorshayaasha horumarineed ee ay hiigsanayso.



 

Kulanka, oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida, Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa diiradda lagu saaray doorka Golaha Guurtida ee kor-joogtaynta hay’adaha dowladda, isla xisaabtanka masuuliyiinta iyo xoojinta wada-shaqaynta u dhexaysa hay’adaha qaranka.


 

Wasiirka Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha ayaa guddida u soo bandhigay warbixin ku saabsan waxqabadkii wasaaraddu qabatay muddadii uu xilka hayey, isagoo sidoo kale faahfaahin ka bixiyey qorshayaasha lagu kobcinayo maalgashiga, horumarinta warshadaha iyo dadaallada lagu soo jiidanayo maalgashiga shisheeye si loo abuuro fursado dhaqaale iyo shaqo-abuur.


 

Intii uu kulanku socday, xubnaha guddidu waxay wasiirka weydiiyeen su’aalo la xidhiidha gudashada waajibaadka wasaaradda, caqabadaha jira iyo qorshayaasha mustaqbalka. Wasiirka ayaa dhankiisa ka bixiyey jawaabo iyo sharraxaad ku saabsan arrimahaasi, isagoo caddeeyey tallaabooyinka ay wasaaraddu qorshaynayso inay hirgeliso.


 

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi is-afgarad iyo wada-shaqayn, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay joogtaynta isla xisaabtanka, kor u qaadista hufnaanta hay’adaha dowladda iyo xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Golaha Guurtida iyo Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha, si loo ilaaliyo danta guud ee qaranka.

Loading...
Loading...