Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Khabiirka Arrimaha Caalamiga Ah Michael Rubin

0
Sunday July 26, 2026 - 14:08:38 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Khabiirka Arrimaha Caalamiga Ah Michael Rubin

    Qoraal uu Guddoomiyuhu soo saaray ayuu ku yidhi: "Waxa aan maanta xafiiskayga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal uu Guddoomiyuhu soo saaray ayuu ku yidhi: "Waxa aan maanta xafiiskayga

May be an image of dais and text



Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Michael Rubin, oo ah taariikh-yahan iyo khabiir ku xeeldheer arrimaha Bariga Dhexe, Geeska Afrika iyo amniga caalamiga ah.


 

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in Michael Rubin uu ka mid yahay saaxiibbada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu door ka qaato taageerada qaddiyadda Somaliland iyo dedaallada la xidhiidha raadinta ictiraaf caalami ah.


 

Qoraal uu Guddoomiyuhu soo saaray ayuu ku yidhi: "Waxa aan maanta xafiiskayga ku qaabilay Mudane Michael Rubin, oo ah taariikh-yahan iyo khabiir ku xeeldheer Arrimaha Bariga Dhexe, Geeska Afrika iyo Amniga Caalamiga ah, isla markaana ka mid ah saaxiibbada Jamhuuriyadda Somaliland.”


 

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu uga mahadceliyey Michael Rubin taageerada uu u muujiyo Somaliland, isaga oo xusay: "Waxa aan uga mahadceliyay sida uu ugu heellan yahay qaddiyadda reer Somaliland iyo sida uu qaybta uga yahay dedaallada ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.”


 

Kulanka ayaa qayb ka ah wada-hadallada iyo kulamada ay masuuliyiinta Somaliland la yeeshaan shaqsiyaadka iyo khubarada caalamiga ah ee danaynaya arrimaha Geeska Afrika iyo horumarinta xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland.

May be an image of text
May be an image of text
May be an image of one or more people, television and text
May be an image of one or more people, dais and text



Loading...
Loading...